ICTIRAAFNEWS.COM
Xukuumada oo Jeebka gashatey Dhamaan Mucaaradkii ku kacsanaa kadib Wadahadal u furmey Xukuumada iyo Labada Xisbi Mucaarad+Dan iyo Duco iyo Odayaashii reer Saaxil oo Madaxtooyada isku wada dhiibay+Madasha wadatashiga iyo Xukuumada oo iyana Wadahadal bilaabey…..
December 14, 2013 - Written by Admin
 

madas

Hargeysa-(ictiraafnews.com)- Xukuumada oo Jeebka gashatey Dhamaan Mucaaradkii ku kacsanaa kadib Wadahadal u furmey Xukuumada iyo Labada Xisbi Mucaarad+Dan iyo Duco iyo Odayaashii reer Saaxil oo Madaxtooyada isku wada dhiibay+Madasha wadatashiga iyo Xukuumada oo iyana Wadahadal bilaabey..

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal iyo Gudoomiyaha Golaha  Wakiilada Cabdiraxmaan ciro ayaa bilaabay wada hadal toos ah oo isusoo dhawaansho ah waxaanay ka wada hadleen in  Meesha laga saaro Shirkii Dooda Qaran ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradku.

Faysal Cali waraabe oo isagu Maalmahan muujiyey Debecsanaan Xaga Xukuumada ah ayaan ka hadlin dhacdooyinkii is daba joogey ee Tii Jamaal Cali Xuseen lagaga celiyey Gabiley iyo weliba Mudaharaadkii Xisbigiisu soo abaabulay isagoo goobta yimi laakiin aan wax hadal ah ka jeedin, Waxaanu bilaabay inuu Xukuumada la bilaabo wadahadalo uu Wakiil uga yahay dhinaca Xukuumada Wasiirka Arimaha dibada.

Wadahadaladan Siyaasadeed ayaa u muuqda inay lagu Wiiqey is abaabul iyo is muujin ay beryahanba wadeen Xisbiyada Mucaaradku, waxaana la filayaa in halkaas lagu joojiyo Doodii qaran iyo Mudaharaadyo ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradku.

Dhinaca kalena Guddidii Dan iyo Duco iyo Odayaal Beesha Ciise Muuse ah ayaa Madaxtooyada Xaal kasiiyey Hadal la sheegayinay kasoo yeedheen Ibrahim dhegoweyne, Jamaal Cali Xuseen iyo Faadumo Siciid iyagoo balan qaadeyna inay Maanta Wixii ka danbeeya ay Xukuumadooda Daacan u noqon doonaan isla markaana ay iska ilaalin doonaan Wixii Madmadaw ku keenaaya.

Dedaalada ay Xukuumadu ku soo Xero gelinayso Mucaaradkeeda ayaa waxaa ka mid ah in Wadahadlo kale oo u dhexeeya Xukuumada iyo Madasha Wadatashiga uu ka Furmey Magaaalada Hargeysa Maalmo ka hor, Dhinaca Xukuumada waxaa u metelaaya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamarji Xaga dhinaca Madasha ay u Metelayaan Ibraahim dhegoweyne iyo Xasan Guure, Wadahadaladan ayaa wejigooda koowaab kabilaabmey Hotel Maansoor iyagoo labada Dhinacba laga dareemayey debecsanaan Qoloba qolada kale u muujinayso isu soo Dhawaansho.

Marka laysku soo wada Xooriye Waxay Muuqda in Xukuumadu usoo jeesatey Farsamooyin Cusub ay kusoo Xero gelinayso Mucaaradkeeda.

Wixii warar ah ee kasoo Kordha Wadahadaldan kala Soco www.ictiraafnews.com

 

 

Contact@ictiraafnews.com

 

 

.

COMMENTS