ICTIRAAFNEWS.COM
Waa Kuma SALEEBAAN CALI KOORE Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha SOMALILAND
April 6, 2018 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Waa Kuma SALEEBAAN CALI KOORE Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha SOMALILAND

Wasiir Saleebaan Cali Yusuf “Koore”

 

Wasiir koore wuxuu ka mid ahaa ergaydii shirkii Burco ee 1994kii dib u heshiisiinta beelaha Somaliland, wuxuuna ahaa xubnihii ugu da’da yara.

 

Mudane Koore intaa Ka dib wuxuu ka mid noqoday Wasiiradii Xukuumadii Maxamed xaaji ibaarhin cigaal, xilal kala duwana Ka qabtay wuxuu ahaa Wasiirkii wasaarada Xanaanada Xoolaha ee waqtigaa.

 

Waqtigaa Xukuumadii Madexweyne cigaal Xil shir goloha Wasiirada lagu gudo jiray ayaa arin Madexweynuhuu Golihiisa wasiirada soo dhex dhigay,

Wasiir koore isagoo waqtigaa ahaa Wasiirkii Xukuumada ugu da’ da yaraa ayuu madexweynaha go aankisi Ka soo horjeestay,

 

Madexweyne cigaal “AHN”  Nin ragg yaqaan ayaa aad ula yaabay ku dhaca iyo goaanka Ninkaasi kaligii qaatay ee uu kaga soo horjeestay, Sidii baanay madexweynaha ku kala tageen.

 

Maalmo Ka dib wax telefoon usoo diray wasiirka xoghaynta madexweynaha una sheegay in madexweynuhu doonayo,

Kulan iyo is afgarad raggnimo Ka dib wuxuu ka sii mid ahaa xukuumadii cigaal isagoo waliba tix galin gaara mudan.

 

Wasiir koore 2005tii wuxuu ka mid noqoday golohii wakiilada somaliland ee gobolada bariga laga soo doortay,

 

Wasiiir koore wuxu ahaa shaqsigii hindisay in Garoonka diyaaradaha ee Caasimada Somalilnad in loogu magac daro Madexweyne cigaal.

 

Tuduc yar oo Ka mida Wasiirka aan ku goodansaneyn deegaankuu Ka soo jeedo ee somaliland oo dhan wadato.

 

Qalinkii:Yuusuf Aadan Tarabbi

COMMENTS