ICTIRAAFNEWS.COM
Halkan Ka Eeg Taariikh Kooban Oo Aynu Wax Yar Kaga Tilmaamayno Waayihii Wanaagsanaa Ee Marxuum JIBRIIL XASAN FAARAX
March 25, 2018 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Halkan Ka Eeg Taariikh Kooban Oo Aynu Wax Yar Kaga Tilmaamayno Waayihii Wanaagsanaa Ee Marxuum JIBRIIL XASAN FAARAX
Alle Ha U Naxariistee Marxuum JIBRIIL XASAN FAARAX Oo Maanta Ku Geeryooday Dalka INGIRIISKA Wuxuu Ahaa Shiqsi Wanaagiisa Cidkasta Oo Garanaysa Ay Ka Markhaati Kacday
Marxuum Jibriil Xasan Wuxuu Ahaa Qof Cibaado Badan Oo Salaatu-Sax Ah Bulshaduna Ka Markhaati Kacday Wanaagiisa Iyo Sharafta Uu Kula Noolaan Jiray
Marxuum Jibriil Xasan Wuxuu Dhashay Sanadku Markuu Ahaa 1942 Wuxuuna Ku Dhashay Magaalada CILAAMO Ee Gobolka SANAAG Dumarka Uu Soo Guursaday Waa 2 Dumar Ah Caruurta Uu Ifka Kaga Tegay Waa 16 Caruur Ah 9 Wiil Iyo 7 Gabdhood
Marxuumku Wuxuu Dalka Ka Dhoofay Isagoo Aad U Da’ Yar Wuxuuna Galay Wadamada Khaliijka Carab Mudo Markuu Deganaa Imaaraadka Carabta Wuxuu Ugasii Gudbay Wadanka INGIRIISKA Gaar Ahaan Gobolka BRIMINGHAM Oo Uu Mudo Badan Deganaa Halkaas Oo Uu Maanta Ku Geeryooday
Marxuumku Wuxuu Kasoo Shaqeeyey ADAN ABUDHABAI LOCAL MUNICIPALITY Oo Imaaraadka Ah Iyo ROYAL BRITISH AIRFORCE Oo CADAN Ah
Marxuum Jibriil Xasan Wuxuu Si Weyn Ugasoo Qayb Qaatay Halgankii Xaq U Dirirka Ee SNM Isagoo Ka Mid Ahaa Halgamaayaashii SNM Wuxuu Si Xoogan Uga Qayb Qaatay Dhaqaale Ururinti Jaaliyadaha CARABTA Ee Halgankii SNM Iyadoo Laga Markhaati Kacay Inuu Ka Mid Ahaa Dadka Faro Ku Tiriska Ahaa Ee Soo Bixin Jiray Mushaharka Ciidankii SNM
Marxuum Jibriil Xasan ALLLE Ha U Naxariistee Wuxuu Ku Suntanaa Oo Taariikhdiisa Ku Jirta Inuu Qayb Weyn Ka Ahaa Kana Mid Ahaa Odayaashii Ka Midho Dhaliyey Nabadeyntii Iyo Walaaleyntii Beelaha Gobolka SANAAG Nabadeyntaas Oo Tusaale Loosoo Qaato Xalinta Khilaafaadka Beelaha Had Iyo Jeer Dirirtu Dhex Marto

Alle Ha U Naxariistii Marxuum JIBRIIL XASAN FAARAX Wuxuu Ahaa Nin Ifkiisana Shaqaystay Aakhirana Camal Saalax Ah Dhigtay
Marxuum Jibriil Xasan Wuxuu Lahaa Taariikh Aan Lasoo Koobi Karin Oo Aad U Muhiim Ah Oo Uu Ku Lahaa Guud Ahaan Geyiga SOMALILAND Iyo Gaar Ahaan Gobolka SANAAG
WAXAYNU ILAAHAY UGA BARYEYNAA INUU NAXARIISTIISA JANO KU ARSAAQO EHELKII IYO QARAABADII UU KA BAXAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLE HAKA SIIYO

COMMENTS