ICTIRAAFNEWS.COM
Xukuumadu Way Ku Fashilantay AJAANIBKA Dalka Imanaya Ku Mashaariicda Horumarineed Keenaya Iyo Kuwa Tuuganimada U Guranaya MACDANTA
March 22, 2018 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Xukuumadu Way Ku Fashilantay AJAANIBKA Dalka Imanaya Inay Kala Garato Kuwa Mashaariicda Keenaya Iyo Kuwa Tuuganimada MACDANTEENA U Guranaysa

Sideynu Wada Ogsoonahay Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysa Waxay Joojisay Oo Ay Dalka Inay Ka Shaqeeyaan Diiday Dad AJAANIB Ah Oo Mashaariic Horumarineed Dalka Keenay Iyadoo Xukuumadu Is Hor-Taagtay Inay Hirgalaan Mashaariic Horumarineed Oo Ay Ajaanibkaas Dalka Loo Diiday Ka Hirgelinayeen Gobolada Bariga Dalka Sida TOGDHEER, SANAAG IYO SAAXIL

Iyadoo Ay Taasi Jirto Waxaa Maanta Gobolka SANAAG Oo Ka Mid Ah Gobolada Laga Joojiyey Mashaariicdaas Horumarineed In Ciidamada Nabad Gelyada Gobolkaasi Ay Gacanta Kusoo Dhigeen Dad AJAANIB Tuug Ah Oo Si Sharci Darro Ah Dalka Uga Guranayey KHEYRAADKIISA Iyadoo Lagusoo Qabtay Degmada GUDMO BIYO-CAS Oo Ay Ka Guranayeen MACDANTIISA

Dadkan Sifooyinka Sharci Darro Kusoo Galay Guud Ahaan Dalka Iyo Gobolka SANAAG Waxay Mudooyinkanba  Wada Shaqayn Laleehihiin Shirkada Ku Fashilantay Ka Ganacsiga BEEYADA Ee SOMGUM Ee Ay Leeyihiin ILMA SAALAX X XASAN

Ganacsigii Shirkadaa Beeyada Ee SOMGUM Markii Uu Fashilmay Waxay Ganacsigoodii U Badaleen Inay Si Sharci Darro Ah Uga Ganacsadaan Macdanta Dalka Iyagoo Gacan Saar La Yeeshay Dadkan Ajaanib Tuug Ah Oo U Dhashay Dalka SUUDAAN

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa Jeelka Dhexe Ee Magaalada CEERIGAABO Lagusoo Xidhay Tuugtii AJAANIBKA Ahayd Iyo MUSTAFE SAALAX X XASAN Oo Ka Mid Ah Mulkiilayaasha Shirkada SOMGUM Kuwaas Oo Si Wadajir Ah Lagusoo Qabtay Iyagoo Si Sharci Darro Ah Macdanta Uga Guranaya Gobolka SANAAG Gaar Ahaan Degmada GUDMO BIYO-CAS

Sidaa Daraadeed Waxaa Dowlada Laga Sugayaa Inay Ka Jawaabto Sababta Ay AJAANIBKA Mashaariicda Horumarineed Dalka Keenaya Ay U Diidan Tahay Inay Dalka Ka Shaqeeyaan AJAANIBKA Tuugta Ahna Ay U Ogolaatay Inay Si Sharci Darro Ah U Gurtaan MACDANTA Iyo Kheyraadka Dalka

COMMENTS