ICTIRAAFNEWS.COM
‘ Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ‘ Waa Qalinkii Sakariye Cabdikariim Maxamuud
February 13, 2018 - Written by admin

Maalintii Xulashada Ka dooray Musuqii Kuwii Hore ‘ Waa Qalinkii Sakariye
Cabdikariim Maxamuud
Siyaasada Xisbiyada iyo Xukuumadihii kala Duwanaa Ee Soo maray dalkeena
Somaliland waxay Intooda badani ahaayeen kuwo aanay Dhallinyaradu ku
lahayn Door wanaagsan Oo Muuqda Waxaana jiray Dabaro Sharci Oo
Horyaalay dhallinyaro badan Oo leh Hibo Hogaamineed Oo ay ku badali
karaan Aragtida Siyaasadeed Ee Maanta Ka jirta dalka Waxaana Sabab U
ahaa Xeerarka Qarankeena Oo aan U Ogolaanayn Inay dhallinyaradu kamid
Noqdaan Golayaasha kala Duwan Ee Qaranka yadoo La Eegayo Da’adooda.

Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) Oo Dhallinyarada U Balan qaaday Inuu Wax kabadal
iyo Kaabis Ku Sameynayo Dastuurka dalka kana mid noqon doonaan
Golayaasha Siyaasada Haddii Uu ku guuleysto Doorashadii Madaxtooyada Ee
dalka ka dhacday Sannadkiii 2010 kii Oo Uu Kaga guuleysta labadii Xisbi
Qaran Ee Xilligaa La tartamayey Oo kala ahaa XisbigiiUdub Ee Uu
Hogaaminayey Madaxweynihii hore Ee Dalkeena Mudane Daahir Rayaale
Kaahin iyo Xisbiga Ucid Oo Uu Hogaaminayey Gudoomiye Mudane Faysal
Cali Waraabe.
Sannado ka dib guushii Xisbiga Kulmiye Uu gaadhay Doorashadii
Madaxtooyada Wuxuu Soo dhisay Gole Wasiiro Oo Ay ka dhex muuqdaan
Dhallinyaro yadoo Uu Madaxweynuhu U magacaabay inay ka hawlgalaan
Qeybaha kala Duwan Ee Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawlada
Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) Abaal baanu ugu haynaa Fursadihii Uu Siiyey
Dhallinyarada Ee Ay kaga Qeyb galeen Golayaasha Deegaanada Ee gobolada
dalka iyo Xilalkii Qaranka Ee Uu U Magacaabay Mudadii Uu Xilalka Hayey
Taariikhduna Wey Xusi doontaa
Dhallinyarada dalka Ee Xilalka hayey looguma Dhiibin Saami qabiil Iyo Sooc
gaar Beeshooda Loo siiyey Ee Waxay ku heleen Mudnaan Uu Madaxweynihii
hore Siinayey Dhallinyarada dalka laakiin Kamay Abaal celin Taasuna waxay
Noqotay In Magicii Dhallinyaradu Uu Noqdo Mid Sumad U ah Musuq Maasaq
iyo Wax is daba Marin Ay Sameeyeen Dhallinyaradii Xilalka Loo Magacaabay
Isbadelada Siyaasadeed Ee ka jira dalkeenu Waxay Saameyn Toosa ku
yeesheen dhallinyaradii Ku jirtay Xisbiyada Iyo Xukuumada Ee laga Sugayey
Inay Yagu Saameyn ku yeeshaan Oo Ay abuuraan isbadalo Syaasadeed Oo
ka duwan kan Maanta Balse Waxay Dhaxleen Xirfadihii iyo Xeeladihii laga
Bartay Casharadii Musuq Maasaqa Ee Ay ka Tageen Siyaasiyiintii dalkani Soo
maray
Qoraalkani Qalin daar Umuugeysan Xil joogayaashan Xilalka Qaranka Ugu
Magacaaban Dhallinyarada dalku Xaq baynu U leenahay inaynu Dhaliilno
Haddii ay garan waayeen waxay Tahay Shaqadoodu Ama aynu Taageerno
haddii ay Sameeyeen Wax horumara Intii Ay Xilalka Qaranka Hayaan
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane
Sharmaarke Axmed Maxamuud geele Wuxuu kamid Yahay Dhallinyarada
Xilalka Qaranka Ugu Magacaaban Saamiga dhallinyarada Jamhuuriyada
Somaliland Xilkan Kumuu Helin Saami qeybsiga Beeshiisa Ee Waxaa Loogu
Magacaabay Inuu Qaranka iyo dhallinyaradaba Si daacada Ugu shaqeeyo
=> Xil Magacaabistii Ugu horeysay Ee Gudoomiyaha Haayada
Shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland
Dareenka Kumaan Kamida Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Ee
qalinjabiyey Jaamacadaha dalku Waxay ka warsugaan Maalmaha Lagu Jiro
Munaasibadaha Qalinjabintooda Sida Madaxweynaha Qaranka iyo
Masuuliyiinta Dawladu Tixgalin gaara Usiinayaan Aqoonyahanka dalka Usoo
baxay Markay Ugu Tagaan Xafiisyadooda Ama ay U sameeyaan Barnaamijyo
Shaqo abuur loogu Sameynayo Dhallinyarada dalka.
Munaasibad Balaadhan Oo Loo sameeyey Arday ka Qalinjabinaysay
Jaamacada Camuud Ee Ku Taala Magaalo Madaxda gobolka Awdal Ee
Boorama Oo Uu kala qeyb galay Munaasibada Qalinjabinta Ardayda
Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxmuud (Siilaanyo)iyo Wafti balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Uu kamid
ahaa Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Madaxtooyada Ahna Hadda Hogaamiyaha
Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxaana Caado ah In Arday kamida Ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadaha
Somaliland Uu Ku hadlo Afkooda waxaa Ardayda Jaamacada Camuud U

hadlay Gudoomiyaha Haayadaha shaqaalaha Somaliland Mudane
Sharmaarke Geele Oo Markaa Kamid ahaa Ardaydii ka qalinjabinayey
Jaamacada wuxuuna Noqday Ardaygii Ugu Horeeyey Ee Ka qalinjabiyey
Jaamacadaha dalka Ee Munaasibadiisi Qalinjabintiisa lagu Siiyey Shaqo
Qaran Oo Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada
Somaliland Ahna Hadda Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Uu U magacaabay Inuu Noqdo Xoghayihiisa
gaarka Ah yadoo Markii Danbena Wasiirkii Hore Ee Wasaarada
Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Uu U magaacabay 14-12-2015
Inuu Noqdo Xoghayaha Golaha Wasiirada Isagoo Iminka ah Gudoomiyaha
Haayada shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland
=> Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Musuq Maasaqa Shaqooyinkii
Qaranka
Gudoomiyaha Haayada shaqaalaha jamhuuriyada Somaliland wuxuu ku
dhawaaqay Intii Uu Xilkan Hayey Inay Dawladu Shaqeysiinayeso
Dhallinyarada dalka Ee ay shaqa la’aantu heysato Waxaana Barnaamijka
Shaacinta shaqo abuurka lana daahfuray Laba goor Haddaba waxaa Isweydiin
Mudan yadoo Ay jiraan Duruufa badan Oo heysta dhamaan dhallinyarada ku
Nool gobolada Somaliland Miyey Shaqooyinkan U helaan Si Cadaaladi Ay
kamuuqato Yaase Soo Kala xula guuleystayaasha Hela Shaqooyinkan la
baahiyey
1.Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland Ee Shaqo doonka ah Sidee loogu
Soo kala Xulaa Shaqo bixinta Haayada Shaqaalaha yadoo aan la sheegin
Cida Soo kala Saartay ?
2.Yaa soo diyaariya Imtaaxanada Laga Qaado dhallinyarada Jamhuuriyada
Somaliland Ee Doonaya Inay helaan shaqooyinka Qaranka ?
3.Maxay Haayada Shaqaaluhu Usoo bandhigtaa Shaqooyin aan lahayn
Boosas loogu Hagaago ?
Weydiimahan Maynaan helin wali warcelintoodi laakiin waxaynu Wada
ognahay In Imtaxaanada loo fadhiisanayo Ee Ay dhallinyaradu galayaan
aanay ahayn kuwo Si dhaba loogu Soo kala baxo Shaqooyinka Qaranka
waana mid kamida Musuq Maasaqyada Uu Gudoomiyaha Haayada
shaqaaluhu U geysatay dhallinyarada Reer Somaliland Ee Shaqo doonka ah
Qaar kamida Dhallinyarada Somaliland Ee kasoo kala Safray Gobolada dalka
yagoo ku rajo weynaa inay helaan shaqadan Ee aan heysan Dhaqaale ay
kusoo galaan Safaradan dhaadheer Marka dadaalkoodi laga dhigo Mid Cid
gaara lagu Raali galinayo Sow taasi Maaha Mid kamida Sababaha ay
dhallinyaradu U galayaan Geediga Tahriibka?
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi
Waxaan leenahay Horumarka dhallinyaradu Waa Yadoo laga Faa’ideysto
Kumanaanka aan Qaranimada ka dooranayn guul wadeyn iyo Wax isdaba
Marin
Alla Mahadleh
Sakariye Cabdikariim Maxamuud

COMMENTS