ICTIRAAFNEWS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Eng Xasan Jaamac Caabi Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa
February 13, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Eng Xasan
Jaamac Caabi Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa
12/02/2018
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi
isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa

uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka,
aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Eng Xasan
Jaamac Caabioo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/02/2018,
magaalada Hargeysa.
Marxuumka Oo ahaa farsamo yaqaan iyo tafatire 30 kii sanno ee u danbeeyay
ka soo shaqeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar
ahaan idaacada Radio Hargeysa kana midka ahaa rukumada idaacada Radio
Hargeysa ka hawl-gala, kaalin weyna ku lahaa isbadaladii koboca
warbaahineed ee Radio Hargeysa iyo ta dalkuba ku tallaabsatey wakhtiyadii
kala danbeeyay, isagoo marxuunku ka tirsanaa odayaashii gacanta weyn ka
geystay kana shaqeeyay horumarinta saxaafadda Somaliland, kuna sifeysnaa
dulqaad, hawlkarinimo iyo daacadnimo uu ku gudan jirey waajibaadka shaqo
ee uu qaranka u hayay.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno
ka waraabiyo, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka,
aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS