ICTIRAAFNEWS.COM
Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji
February 13, 2018 - Written by admin

Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada
ee Dooxa Biji
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta
Daah-furtay Mashruuc soconaya muddo shan sannadood ah, kaasi oo uu
Maalgelinayo Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW. Mashruucan oo lagu
Daah-furay Tuulada Lafta Boqor oo ka tirsan Degmada
Gabiley ee Gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale laga fulinayaa Deegaanno
kale. Mashruucan ayaa ah mid lagu daryeelayo Ciidda iyo Biyaha, waxaana si
gaar ah wax loogaga qabanayaa deegaannada uu Nabaad-guurku ku dhacay

waxaana la doonayaa in Biyuhu dhulka ku hakadaan oo ay hoos u galaan islamarkaana
Ciiddu Dib u hesho Nafaqadii ay kala tageen Daadadku, si
Mustaqbalka looga sameeyo wax soo-saar baaxadle, maaddaama oo
Qorshaha koowaad ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku
shaqaynaysaa yahay in la kobciyo Wax soo-saarka Dalka, taasi oo ahayd
ballan-qaadkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse
Biixi Cabdi ku galay ololaha Doorashadii Dalka ka dhacday Sannadkii hore ee
2017-ka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland
Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hoggaaminayey Wefti ballaadhan oo ay
ka mid yihiin Masuuliyiinta Hay’adda Mashruucan la soo mariyey, Maayarka
Magaalada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Agaasimaha Waaxda
Gaadiidka ee Wasaaradda Beeraha Ibraahim Carab Ceelaabe, Madaxda
Hay’adda Mashruucan la soo mariyey, Isku-duweyaasha Wasaaradda
Horumarinta Beeraha ee Gobollada Gabiley iyo Maroodi-jeex, ayaa intii ay ku
sugnaayeen Lafta Boqor, waxay kulan la yeesheen Odayaasha deegaanka
Lafta Boqor, waxay u faahfaahiyeen Mashruucaasi iyo ahmiyadda uu u
leeyahay Dalka, gaar ahaana
deegaanka laga daah-furay. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta
Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacasse)
oo hadal u jeediyey
Odayaasha Tuulada Lafta Boqor ee Mashruucan lagu Daah-furay, ayaa u
soo jeediyey inay mashruucan sida ugu wanaagsan uga faa’idaystaan,
maaddaama oo wax lagaga qabanayo Dhulka ay Cuntada kala soo
baxayaan. Guddoomiyaha Beeralayda Lafta Boqor iyo Xubno ku hadlay
Magaca Odayaasha deegaankaas, ayaa soo dhaweeyay in Mashruuc
soconaya shan sannadood laga fulinayo deegaankooda, si loogu daryeelo
Dhulka ay wax soo-saarka ka samaynayaan. Odayaashu waxay u Mahadcelinayeen
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo ay sheegeen in
muddadii Masuuliyiinta cusub loo Magacaabay ay rejo badani gashay
Beeralayda. intaasi ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha,
Maayarka Gabiley iyo Masuuliyiintii la socday ayaa kormeer ku sameeyay
Xarunta Kaydka Siidhka oo hore Wasaaradda Beeruhu uga hirgelisay
duleedka Magaalada Gabiley iyo weliba goobo ka mid ah goobaha laga
fulinayo Mashruucan lagu daryeelayo Biyaha iyo
Ciidda ee Gobolka Gabiley.
ugu dambayn, Weftiga Agaasimaha Guud hoggaaminayey waxa
hadhimo- sharafeed Magaalada Gabiley ugu sameeyay Maayarka Gabiley
Maxamed-amiin
Cumar Cabdi.

COMMENTS