ICTIRAAFNEWS.COM
Waa Lagama Maar maan in Khaatumo ku jirto Wada-hadalad cusub ee u dhaxeyn doona Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamahuuriyad Federaalka Somaliya?
February 12, 2018 - Written by admin

Waa Lagama Maar maan in Khaatumo ku jirto Wada-hadalad cusub ee u
dhaxeyn doona Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamahuuriyad Federaalka
Somaliya?
Waa lagama maarmaan in Khaatumo ku jirto Wada-hadalada cusub ee u
dhaxeeya doona Jamhuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyad Federalka
Somaliya ?
Balse waxay la jirta sida Madaxda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee hada
u wahajaan ka faa iideysiga furtada la il duufi jiray ee wada hadaldii hore

dhaxalsisi guulrada iyo midho dhal la,aanta way qaadan ama waa il duuf kale
sidii nacasi maxaa layga reyn reyn beriba waa lumiye
Waa marag ma doon in Wada hadaladii hore ee dhex-maray Jamhuuriyada
Somalilanad iyo Jamhuuriyada Federalka somaliya ee wali Aduunku maamulo
khasaare iyo fulin Dalal kale Danhood mooyaane wax kale oo laga dheegatay
ma jiraan .Kuwa hada loo dheg taagayo inay hirgaal na ma jiri karto si wax
suurto galnimo ahi iga soo bixi karaan waxaan dhibaatadu tahay labada
dhinacba wax ka jira ka run sheegid waxa laga hadalaayo iyo sidii wax uga
dhaboobi la haayeen .
Ugu horeyn Jamhuuriyad Somaliland qaabka ay u wajahday wada hadalidii
hore waxay aheyd si ka fog runta iyo xaqiiqada waana ta keenatay guuldarad
iyo dibno qaniinka soo if baxay waxaynu ku masaalaneyn karna sidii jiratay ee
aheyd “mar aad gar leedaya oo aad gartaada marsan kari weydo ayaa jirta ” in
yar iftinim waxaa habooneyd in si kalsoon iyo xilkasnimo ku jirto loona wada
dhan yahay mucaarada iyo muxaafidba arintaa Jamhuuriyada Somaliland
Qadiyadeed loo wajaho. Balse Duulkii maal maha joogay waa la ambadeen
iyagoo u haysta inay ku hirteen wadadii xagagsaneyd ileen Ummada marba
cid baa Hogaanka iyo Gudmaha u sidee .
Dhinaca Jamhuuriyada somaliya xaldood iyo doodu waxay aheyd oo kaliya
wax la yidhaahdo Jamhuuriyad Somaliland oo jiratay ma jirto iminkan ma jirto
waligeed ma jiri doon.! Waxa kale oo la shir imanyeen ma jirin .Ta ay la soo
shirtagayaan Maanta waa ta hadii laga tagi waayo waxay ku jira hadaladood in
badan ay ka ma dhan tahay xag xig-madeed iyo Aqoon Dadnimo waa hal Eray
oo kaliya oo ah “somaliweyn” balse been ah runtii iyo xaqiiqda jirta ka fog kana
caagan , hadii aad eegto sharuucda iyo qaynuunka ay hada loo qorey ee lagu
maamulo kuma jirto wax cadeynay in shanti somaliyeed jirto ,waligeed ba jirtay
? Sooamliya ayaaba shan- maamul oo kala qadiyad iyo kala jaho ah loo
sameeyey waxa filaya sida aan anigu aaminsanahay waxau soomaliweyn u
yaqaanin una aqoonsan yihiin xaduud qabiileeda la dhexdhigay ee fushay
10sandood ugu danbeeyay.
Jamhuuriyada Somaliland waxa arimahan wada hadalad kala gudboon inay
xaqiiqda iyo runta dhabaheed ku habsato kuna wajahdo oo ay ka tagto waxa
aan waxba ka bedelayn arinta ahayd i jiid aan ku jiidee, iyo kulanada bahdilaad
iyo sharaft darad mooyaane wax kale faa iido oo laga dhax layaa ay yaratay
.Uguna horeeyaan kuwa uu gadhwadeenka ka yahay kaligii taliyahay xeebta
Djabouti duleysatay. Arinta Jamhuuriyada Somaliland iyo wada hadalad cusub
waa lagam maarman in laga qayb galiyo ku dhamaanba cid kasta oo
Jamhuuriyada Somaliland asalkeedu yahay ugu horeeyan kuwa mucaaradaka
ah sida Khaatumo iyo Madasha wada tashiga iyo Ururad bulshada iyo indheer
garad iyo waayo arag ba ma ku haboon uun inta siyaasad ku jirta inay dhiran
dhirin karto marka qadiyada dal iyo Ummadiisa ba masabkeed jaan-goynteeda
la doonaayo .
Waxa marag ma doon ah in sidii shalay iska dhariiqinteed aynu ognahay waxa
dhaxalkeed noqday inta maanta loo hab hab leeyahayn ku soo Af-meermi
doonta xal la,aan oo ah inay arintu dhaafi weydo i jiid aan ku jiido oo ah gacmo
daalis waayo? Waxaad wada hadal la yeelanaysa N in la maamulo dalkiisii iyo
dadkiisiba balse hal shay ka haya oo ah dawlad ayaa lagu aqoonsan yahay
!Oo hadii uu qiraal iyo wax-garadnimo ku socon laha wada hadal maanta ma
dooneen wax uu odhan lahaa waxanu ku jira Burbur aanu anaigu sababtiisa
leenahay ee Dubu kabasho dabdeed iyo wada hadal inta ka horeysan waxii
inoo kale soocon waa inoo kala soocan yihiin waxii isugu keen jiran wada
qaybsi wanaagsan iyo wada ilaashi guud inta aanu arimahayaga u noqoneyno
kuwo u madax banan go,aan ka gaadhi kara waxii talo danteed fadhiisato .
Ma garan karno Ninka ah ma qirte xaqiiqda iyo runtiinaaad ogtahay ee dhiriqda
iyo dhiig bax u dhex fadhiyo masana asagu isla wacan iskaalana qumaan.
sidad Adigaan isu dhameyn mid mucaarad ah iyo mid aqoon yahan ahba
arinkaaga gole loo dhan yahay wax ugaga odhan karto ileen Adigu isu
dhamidee? se halkaa miyaan ku haboon xita inaad kaag waalan wadato ileen

wax uu ka mid yahay Ummada xaqood iyo xaquudood u doodayse. Hadal
dhamaatii waxay ku so oaf-go,ayaa khaatumo waa u muhiim inay ka mid
ahaato wada hadalad cusub ee loo han-qal taagoyo inay dib u furmaan bilaha
soo socda waxii gaadha ee alle ku simo.
Abokor Mohamuud
Bolton Uk
abokorm@hotmail.co.uk
Waa Billahi Towfiiq

COMMENTS