ICTIRAAFNEWS.COM
Maayar Ku Xigeenkii Oodweyne Iyo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Xidhan Iyo Maayarka Oo Ka Hadlay Sifada Loo Maray.
February 12, 2018 - Written by admin

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay soo qabtay maayar ku xigeenka degmada Oodwayne ee xarunta gobolka Daad Madheedh.

Sidoo kale waxa hore u sii xidhnaa xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Oodweyne kaas oo loo soo dhaadhiciyey magaalada Hargeysa.

Maayarka magaalada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse Faarax oo khadka telefanka ugu waramay  Ictiraafnews ayaa si kooban uga hadlay xadhiga maayar ku xigeenka iyo xildhibaanka, waxaanu sheegay in xadhiga labadaas xubnood jiro isla markaana uu sharci daro yahay.

Maayarka oo ka hadlaya xadhiga xubnahan ka tirsan golaha deegaanka Oodweyne ayaa waxa uu yidhi “Talaabada loo maray xidhiga labadaas masuul waa sharci daro, waxaanan u malaynayaa

inay haystaan qolada Somcable.”

Maayarka magaalada Oodweyne ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faah faahin intaas dheer balse waxa uu sheegay inuu maalinta bari ah soo bandhigi doono sababaha keenay in la xidho labadaas xubnood ee ka tirsan golaha deegaanka.

 

 

COMMENTS