ICTIRAAFNEWS.COM
Guurka Oo La Ogaaday Inuu Badbaado Iyo Ka Hortag U Yahay Cuduro Halis Ah !
February 12, 2018 - Written by admin

Guurka Oo La Ogaaday Inuu Badbaado Iyo Ka Hortag U Yahay Cuduro Halis Ah !

 

 

 

 

AA

 

 

 

 

Hargeisa (Dalmar-News):-Sida diinteena suubani ina farrayso guurku waxa uu dhawrsanaan u yahay qofka haddii uu yahay Nin iyo haddii tahay gabadh, sidaasi awgeed waxay diinteenu inoo bannaynaysaa in ciddii awooda inay guursato ka aan awoodina uu Ilaahay SWT tallo saarto, isla markaana uu soomo.

 

 

 

Haddaba, Deraasad kale oo lagu soo bandhigay Dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday faa’iidooyinka uu guurku u leeyahay Caafimaadka qofka, deraasaddani ayaa waxay caddaysay in Dadka aan guursan ay halis u yihiin cudurada Waddnaha iyo sidoo kale unnugyada dhiiga ku dhaca, halka dadka guursaday ay arrintaasi ku yartahay.

 

 

 

Mr Arshid Qayoumi oo ka mid ah khubarada soo bandhigtay deraasaddani kana tirsan kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Emory ee Dalkaasi Maraykanka ayaa waxa Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka ee Reuters oo Wargeyska himilo ka soo xigtay waxaanu ku yidhi “Waxa aanu baadhitaano kala duwan ku samaynay dadka guursaday iyo kuwa aan guursan waxa aanu qiyaasnay heerka uu taaganyahay cholesterol-koodu iyo sidoo kale heerka uu taaganyahay dhiigoodu iyo sidoo kale macaankooda, run ahaantiina waxa aanu xaqiiqsanay in dadka aan guursan ay halis u yihiin xanuunadaasi isla markaana ay xanuunada noocaasi ah dhammaantood laga helo”.

 

 

 

Deraasaddo hore oo laga diyaariyay guurka ayaa waxa lagu xaqiijiyay faa’iidada caafimaad ee uu leeyahay isla markaana waxa habboon oo ay dhakhaatiirtu kula talinayaan dadka aan guursan inay ku dedaalaan sidii ay u guursan lahaayeen taasi oo faa’iido u ah caafimaadkooda.

 

 

 

COMMENTS