ICTIRAAFNEWS.COM
Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?
February 11, 2018 - Written by admin

Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?
Waa Tuma SomalilandSeMaxaadka taqaanaaSomaliland?
Hadaba akhriste hadii aadan aqoontaariikhda muga iyo miisaanka lehee
Somaliland hada ayaad ka ogaanaysaa in badan.
Waxaad ku ogaanaysaa qormo-qoraaleedkaygan , oo aan qalinka ugu
qaatay inaan baro dad badan,oo aan somalilnad ka war heyn
martabadaha ay soo martay iyo meeqaamkeeda jiritaaneed. Waana fariin
waa jib ku ah inuu ogaado qof kasta oo muwaadin ah.
Hadaba anoo “Fadxi Garaad Ciise”qormo-qoraaleedkaygan ayaan ku
faah-faahinayaa somaliland waxay tahay iyo taariikhdeeda oo kooban

intaan ka halabsado insha allah.
Somaliland waa dalkii maxmiyadda ahaa ee 26-kii juun 1960-kii
gobonimadiisii ka qaatay, boqortooyadii midowday ee ingiriiska iyo
waqooyiga Ayrland(United Kingdom of Great Britain and Northern
Ireland).
Waana dalkii la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland kuna biiray
somaliya1-dii julay 1960-kii si ay u wada curiyaan jamhuuriyadda
somaliya (Somali Republic) ee kala soo noqotay gooni-isutaageeda,
go’aankii shirkii beelaha Somaliland ee burco lagu qabtay27-kii April ilaa
15-kii May 1991-dii.
Waxaana gobonimadaasigacanteena ku jirtayaynu kal soo noqonay 1960-
kii ingiriiska, Muddo dhan 4-cisho, Kadib inagoo gacanta si shuruud
la’aan ah uga gelinay maamulkii somaliya isagoo uu hogaaminayay
madaxweynihii , Aden Cabdulle Cismaan (Aden Cadde)
Kadib is-casilaadii madaxweynihii Aden Cadde waxaa xukun millateri
Kula wareegay Xukunki,ikeligii taliskii Gen: Maxamed Siyaad Barre,
sanadkii 1969kii.in badan ayaa dhageheena kusoo dhacaa siyaad barre
hadaynu nahay dhalinyarada Somaliland waxaana markiiba maankaaga
kusoo dhacaya falalkafool-xumada xambaarsan ee uu kula kacay
dadkeene iyo dalkeena rejiimkii siyaad barre.
Af-gebigaas ka dib waxaa Somaliland mujtamaceedii iyo xuquudoodii
dadnimo, uu kula kacay falal cunsurinimo iyo takri fal-ka dhan ah
xuquuda dadnimo waxaanubillabay keli taliyhiiSiyaad Barre gumeysi hor
leh,intaasi kadib Somaliland waxaa u bilaabantay taariikh madow.
Waxaana lagu dhawaaqay ururkii dhaq-dhaqaaqa hubaysn ahaa
eehalganka dib u xoraynta gobolada waqooyi, EeSomali National
Movement ‘SNM’ sanadii 1982-dii.
Halgan adag iyo waayo dagaal oo guulo iyo qasaaro bal ehoo aan halkan
lagu soo koobi Karin kadib, ayna sabab u ahaayeen geesiyaashii naftood
hurayaasha ahaa ee ka dhiidhiyey gumeyssigii aan geedka loogu soo
gaban dadkeena.
Ugu dambeyna waa laga cidhibtiray dalka rejiimkii siyaad barre iyo dabadhilifyadiisii.
Waxaanu halkaas ku noqonayaa sida waafaqsan dastuurka, dal madaxbannaan
oo leh xaqa iyo karaamada qaran-nimadiisa, kuna magacaaban
(Jamhuuriyadda Somaliland).
Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu fidsan-yahaybed (Area) ahaan
dalkii la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla
dhigaha (Latitude) 8-degree ilaa 11-degree 30’ waqooyiga dhul badhaha
iyo loolka (Longtitude)42-degree 45 ilaa49-degree bariga jasiiradaha
biyaha goboleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo
xeebalayda (Continental Shelf).
Jamhuuriyada Somaliland waxay xad la wadaagtaa
Dhinaca waqooyi gacanka cadmeed, dhinaca bari somaliya, dhinaca
koonfureed iyo dhinaca galbeed jamhuuriyadda federaalka ah ee
itoobiya, dhinaca waqooyi galbeed jamhuuriyadda jabuuti.
Dhulka qaranku waa muqadas, waana laguma xad gud baan.
Magaalo madaxda jamhuuriyadda Somaliland waa hargeisa . qof kasta oo
u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deganaa dalka Somaliland 26-
kii juun1960-kii iyo ka horba, waxaa loo aqoon-sanyahay muwaadin

Diinta qaranka Somaliland waa diinta‘’Islaam’’.waxaana geyiga
Somaliland ka reeban faafinta diin aan ahayn diinta islaamka
Tirsiga taariikhda waxaa laga raacaa tan Islaamiga ah ee “Hijriyada”iyo
tan miilaadiga ah.
Afka rasmiga ah ee Somalilandwaa “Af-soomaaliga” afka labaadnawaa
Af-Carabiga.
Afafka kalena waxaa loo adeegsadaa wixii looga maarmi waayo. Beelaha
dega Somaliland waa shan (5) beelood oo waawey waxayna kala yihiin:
Isaaq, Harti, Majeerteen, Gabooye, Ciise.
Waaxana soo maray Somaliland tan iyo markii ay gobonimadeeda kala
soo laabatay somaliya, madax weynayaal kala duwan caddadkooda tiro
waa, Shan (5) madax-weyne:
Cabdiraxmaan Axmed Cali,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir
Riyaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Muuse Biixi
Cabdi, oo ah madax weynaha hada talada dalka haya.
Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah
nabad, talo wadaag, dimuqraadiyad, iyo nidaamka xisbiyada badan,
Tiradaxisbiyada siyaasiga ah ee dalka Somaliland kama badnaan karaan
sadex (3).
Hadaba Somaliland waxay baadi goob ay u fuushay geed dheer iyo mid
gaabanb-ba
Ku raadinaysaa gobonimadii ay 1960-kii si’ shuruud la’aan ah
uguwareejisay
Somaliya.
Waxaana si hagar la’aan ah loogu dedaalayaa dhammaan shacabka iyo
xukuumadaha talada dalka u kal dambeeyaa sidii ictiraafkii Somaliland ka
lumay dib loogu hanan lahaa waxaana baadi goobkaa lagu jiray muddo
27-sanadood ah.
Hadaba waxaan usoo jeedinayaa inaan akhristayaasha sharafta badan
ahay aadane hilmaamkana aanu wadaagno hal waxaanan ka halabsaday
intii karaankayga ah taariikhda miisaanka dhacdooyin iyo ma hadhooyin
mudan in la xuso xambaarsan ee Somaliland.
W/Q:FadxiGaraadCiiseUk
Cont:aqoonyahanfadxi@gmail.comor+252634001631

COMMENTS