ICTIRAAFNEWS.COM
Xaqiiqooyinka Hargeysa (akhri) 1. Hargeysa waxa ku taala maqaaxi koobka shaaha ah qiimuhiisu yahay 11$.
February 10, 2018 - Written by admin

Xaqiiqooyinka Hargeysa (akhri)

1. Hargeysa waxa ku taala maqaaxi koobka shaaha ah qiimuhiisu yahay 11$.

2. Hargeysa hotelada qaar la seexdo waxa lagu kireeyaa 100$. Qaarkood kaba badan.

3. Hargeysa dadka ugu badan ee habeenkii xashiishka xaadhaa waa dad Oroma ah, sidoo kale dadka ugu badan ee masaajidada ka hor dawarsada ama dadka wax weydiistaa waa dad Oromo ah.

4. Hargeysa dadka raaca gaadiidka dadwaynaha habeenkii waxa ugu badan ee ay ka cabsadaan waa in tuugi mobileda gacanta kala cararto, sidaasi darteedna inta badan dadku waxay xidhaan daaqadaha gadiidka ay saaran yihin.

5. Hargeysa waxa ku taala xaafad la yidhaahdo “xaafadda carmalka”.

6. Hargeysa waxa ku taal goob dadka derbi jiifka ahi iskugu yimaadaan wakhtiyada qaar rag iyo dumarba oo ay si wada-jir ah ugu isticmalaan daroogada.

7. Hargeysa waxa ku yaala meheraddo lagu iibiyo heesaha iyo aflaamtaba iyada oo dadka loogu shubaayo mobilelada iyo aaladaha kale ee ay sitaan.

8. Hargeysa habeenada qaar waxaad ku dhex arkaysaa xaafaddaha Waraabe aan ka baqeyn dadka iyo gadiidka midna.

9. Hargeysa habeenkii waxaad sidoo kale arkaysaa geel dhex miranaya isaga oo daaqaya tiinka magaalada dhexdeeda.

10. Hargeysa waxa ku yaala garoon kubbaddeed loogu talo galey oo qudha in ay dumarku ku ciyaaraan kubbadda cagta.

11. Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa 65% waxay ku nool yihiin biyo suququl ah, halka 35% ay ku nool yihiin biyo aan la hubin tayadooda caafimaad.

12. Hargeysa dadka laga tirada badan yahay waxay iska leeyihiin xaafaddo u gaar ah oo ay deggaan sababo la xidhiidha takoor ay kala kulmaan dadka itooda badan.

13. Hargeysa waa magaalo dadka bukaan socodka ahi ka badan yihiin bukaan jiifka.

14. Hargeysi waa magaalada ugu saxmada badan dhanka dadka, gaadiidka, iyo ganacsigaba marka la barbar dhiggo magaalooyinka kale ee Somaliland.

15. Hargeysi waa magalada qudha ee ay ka soo baxaan in ka badan 12 wargeys, waana magalada qudha ee ay wargeysyo ka soo baxaan Somaliland.

Waxaas oo dhan ka kaalay handana Hargeysi waa caasimad waddan!

Nala wadaag qodobka kugu layaabka badan.

Mahadsanid.

Mohmoud Omer Osman

COMMENTS