ICTIRAAFNEWS.COM
MUSTAFE MARTIN IYO MIDABKIISA DHABTA AH
February 10, 2018 - Written by admin

MUSTAFE MARTIN IYO MIDABKIISA DHABTA AH Waxaa marka hore Mahad
iska leh EEBBE, Waxaan aad u salaamaya shabakada wararka ee Burco
online shaqaalaheeda kale duwan. Waxaa
runtii amaan iyo mahad naq mudan shacabweynaha ree Somaliland
inta samaha iyo wada jirka ka shaqaysa,waxanaan iyana salaaamayaa
madaxda
qaranka Somaliland mucaarid iyo mucaafid ba,Madaxweynaha
iyo madaxweyne xigeenkana waan salaamayaa, Haddii aan intaa kaga gudbo
salaantaa oo aan u soo gundo dego dulucda maqaalkan. Sida intiina badani
maqasheen amba arageenba waxaa jiray dhawaq ka soo
yeedhay nin la yidhaa Mustafe Martin, dhawaaqaas oo uu ku sheegay

inuu ahay madaxweyne debad wareeg ah. Hadaba Martin waa kuma, waxaan
wax yar ifiiminayaa taariikhdiisa.
Martin waxuu ka soo jeedaa gobolka togedheer,wuxuu ku doodaa iyo
ka tirsanyahay xisbiga mucaaradka ee wadani madaxdiisa sarsare, waxuu
debada u baxay burburkii wixii laysku odhan jiray Somalia isagoo basaas u
ahaa nabadsugidii faqashta,waxaa uu galay Yurub,halkaas oo qaxootino isku
dhiibay sagaashanaadkii, markuu waxoogaa joogay ayuu bilaabay wixiisii uu
yaaqaanay ee ahaa basaanimada, ka dib jaaliyaddii Somaliland ee meel la
joogtay way takooreen waxaanu u cararay xaga maraykanka, waxuu soo caga
dhigtay bariga maraykan, wuxuu bulshadii ree Somaliland ee meeshaad ku
noolayd kala dhexdhigay cadaawad iyo qabyaalad,markay ogaadeen way iska
eryeen waxaanu tegay koonfurta
markaykanka halkaana bulshadii ku dhaqneed wuu kala fururay,
meel doofaarka lagu iibiyo ayuu wax yar ka shaqeeyay waxaanu ka dhacay
lacag gaadhaysa $2000 iyo jeegag, ka dib wuxuu u cararay halkan uu iminka
degan yahay ee Minasota,halkaas oo markiiba uu la saaxiibay nin Somali
kiristaana ooy isku beel yihiin oo Hassan la yidhaa runtiina qudha iska jaray
markii dambe, ninkaas u shaqeyn jiray kiniisad
kaatolig ah oo somalida kiristaanka ka soo qaada Nairobi, ninka la yidhaa
mustafe martin halkaas ayuu afdhigay wuxuu cararaba, waxaa laga bedelay
diinta, waxaa bixiyay magacan uu iminka sido, waxaa loo dhiibay inuu
kiniisada ka eedaamo oo uu jalaska garaaco, waxaa wax
lala yaaba ah inuu yidhaa waraaqaan u qoray madaxweynaha
maraykan ,isagiiba qaxooti iyo boqol magac ilaa Yurub isku dhiibayay, waxaan
u arkaa nin gacmaha iska soo xidhay ,ninka diintii uu ku dhashay ka baxay
wax khayr leh kama soo jeedaan,waa ma xishoode waa orgigii afkana duufka
ku lahaa dabadna xaarka ku lahaa,waxaan qormooyinka danbe kaga hadli
doonaa iskaga iyo cali xaraare lacagta ay kaaqaataan dawlada Somalia si ay u
baabiyaan qaranimada iyo degaanansha Somaliland. ABDIWELI. USA

COMMENTS