ICTIRAAFNEWS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Sarayntii Sharciga Ma Hoos U Dhiga Sharciga Ayuu U Badalay ??.
February 10, 2018 - Written by admin

Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha hadda ee Somaliland wuxuu ku
ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go’aan adag dooro iyo qodobo kale oo
mala awaal
Hargeisa (Burcoonline) 10.02.2018 Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha
hadda ee Somaliland wuxuu ku ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go’aan
adag dooro iyo qodobo kale oo mala awaal aha..Ilaa hadda intaan hayo anigu
sarayn sharci iskadaayo hoos u dhigida sharciga ayaa socoto.
Madaxweyanaha qodob Dastuuri ah aya siinaya awooda magacaabista iyo xil
ka qaadistaba.

Waxa yaab leh Xukuumaddii Siilaanyo waxa aad loo hadal hayn jiray
magacaabista habeenkii masuuliyiinta la magacaabo badana goor danbe ,
arrinta qosolka lihi waxa weeye Muuse Biixi isagu Dikreetooyin qarsoon oo
Ummadda laga qariyay ayuu wax ku magacaaba, waana khiyaano iyo sharci
jabin. Waxa kalifay anigu garan waayay. Ma cidda aad soo dhawaysatay yaan
la ogaanba? ma saami qaybsiga oo haddaba dhibac ka raran oo sadbursiimo
foocsanaan ahi sii fuushay ummadda ka qariba? Garan waayay .
Maxamed Cali Bile wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay Chief of
Cabinet-ka Madaxtooyada, Ummadda looma soo bandhigin magacaabistiisi
waanu shaqaynaaya. Waa xil culus oo horena inoo soo maray Xirsi Cali Xaji
Xasan ayaa xilkan mar hayay muran badan oo uu dhaliyayna Wasiirka
Madaxtooyada ayaa loo badalay . Dood badan oo laga yeeshay waxa
dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada lagu amray inay ka amar qaataan,
haddii la waydiiyo xilkiisana waxay ku sheegayaan La-taliyaha gaarka ah ee
Madaxweyanaha. Waan hubaa Saxaafaddu haday Muuse Biixi waydiiso
wuxuu ku jawaabi doona “Maxamed Cali Bile waa la-taliyahayga”.. Runtuse
waa Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada .. Xitaa inuu la-taliye u yahay
Shacbiga xasaanada Madaxweyne uu ugu dhaartay looma soo bandhigin……
Maruu ka hadlaayay Toronto Canada oo uu safar ku joogo wuxuu cadeeyay
inuu Xukuumadda la shaqeeyo lakiin xilkiisa muu soo bandhigin.
Dr. Cismaan Sheekh waa aqoon yahay ku dhashay Gabilay, Baanka
horumarinta Afrika ayuu muddo dheer ka shaqaynaayay. Xafiiska ugu weyn
ayaa hadda looga sameeyay Madaxtooyada waana la magacaabay oo isagu
waa La-taliyaha la taliyaayasha Madaxweyanaha ee dhaqaalaha iyo
maamulka. Waxaase yaab leh Shacbiga Somaliland looma sheegin loomana
soo bandhigin, waanu shaqaynayaa. Bal haddaba sidee maamul wanaag iyo
wax wada la haansho daacad ahi ku imanaysaa??! Saxaafadda Somaliland
ayay u taala inay arrimahan ogaato oo Ummadda u soo bandhigto..
Tusan
Muniir Axmed Cigaal

COMMENTS