ICTIRAAFNEWS.COM
Siyaasada Burco Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Murashixiinta Kulmiye Iyo Wadani Oo Isku Hudheel Ku Degay Iyo Dareenada Ku Ladhan
July 6, 2017 - Written by Khaliil Barre

Degmada burco ayaa xalay ku caweysay jawi siyaasadeed xaraaradiisu aad u kacsan tahay waxaana markaliya xalay is qabsadey socdaalo kadis ah oo xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ku Soo galeen burco.

Ugu horeyn Murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sanqadh yari ku soo galay Hotel city Plaza ee magaalada burco oo barada loo qoondeeyey inuu ku hoydo isla markaana uu kulamo kula qaato masuuliyiinta heer gobo lee xisbiga iyo heer degmo si ay xal ugu helaan xiisado mishiinkoodu labadii cisho ee ugu dambeeyey ka istaadhnaa burco oo lagaga soo horjeeday qaabka xisbigu u wajahayo kaambaynka oo dhaliilo is barkani ka jireen waxuuna markiiba Murashaxa KULMIYE galay inuu bilowdo kulamadii uu caraabada usoo galay si uu iskaga damiyo xagal daaca ku yimi xisbiga iyadoo kulamadu diyaarsan yihiin kuwaas oo ay ugu weyn yihiin lix ka mid ah xildhibaanada ugu culus golaha deegaanka degmada burco ee kulmiye ka soo baxay oo iyagu jilbaha udhigay inan siyaasada gobolka togdheer loo gacan dhaafin waxaana muuse biixi wajihi doonaa kulama culus oo haddii uu daawadooda sido wax badani ka degi doonan.

waxaa mar kaliya isqoorsadey mushxarad iyo dadweyne tiro badan oo galbinaya Murashaxa Xisbiga WADDANI iyo Hogaamiyaha xisbiga kaas oo iyana loo qorsheeyey inay hoteelka degaan .

jawiga ay galbinayeen taageerayaal cirbax ah oo ku la bisan calanka muuqa dheer ee astaanta u ah xisbiga WADDANI ayaa mar kaliya isku kala bixiyey hotelka kaas oo sabab unoqdey in Murashaxa KULMIYE Dhuumasho dhabarku muuqdo ku galay hool ka mid ah Hotelka isagoo dhegaha ka fureysanaya sawaxanka mushxarad filan waa ku noqotay.

Jawiga siyaasadeed ee magaalada burco ayaa ah mid filan waa ku noqdey xisbiga KULMIYE waxaana si fool ka fool ah laysu wajahayaa siyaasad aan ololeheeda la kala qarsan oo mid waliba miishaartiisa afaystay. Fooraha guusha madaxtooyada dalka ayaa ka hilaacdey magaalada burco iyadoo si weyn laysugu haysto codeeyayaasha gobolka togdheer kuwaas oo noqdey kuwo loo kala dheereeyo codkooda.

Ilaa hadda ayaa waxaa si weyn ololaha kala jiidashada cododka ugu cad-cad xisbiga WADDANI wuxuuna waxaare sare ku dhaafay talaabadii kulmiye ku soo laangadheynayey.

Wargska sahan oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee burco ka curtay ayaa idinla wadaagidoona xaaladaha iyo wajiyada isdiidan ee burco kulmisay.

Xigasho WARGEYSKA SAHAN.
COMMENTS