ICTIRAAFNEWS.COM
Shaqo la, aanta Dhalinyrada somaliland iyo xaladaha ku gadaaman.
May 22, 2017 - Written by Khaliil Barre

Dhalinyaradu waa laf dhabarta Koowaad ee qaran ka dhismo waa iftiinka iyo hilaaca qaranku ku taamo kuna faano waa mustaqbalka iyo hagaha ummadi. leedahay. Dhalinyadu waa jiilka badalaa madaxda ka horaysa waa waslad haday xumaato dadkoo dhan xumaanayo Dhalinyarada waxa waayihii dambe la soo darsay shaqo la, aan baahsan taas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa dhalunyaraduna waa kuwo iyana sii kordhaya tiro ahaan marba marka ka dambeeya Hadaba somaliland waa mid ka mida wadamada sida xawliga ah dhalinyaradu jaamacadaha uga baxaan waxana sanad walba baxa ku dhawaad kumanaan arday oo heer jamacadeed ah. Kuwas oo isugu jira heerka koowad ee loo yaqaano (degree) iyo kuwa heerka labaad ee looyaqaano (Master ka) Ku dhawaad waxay jaamacad ku soo qaaten wakhtigooda inta Udhexeysa 3 sano ilaa 7sano oo wakhtiga noloshooda Ka mid ah. Rafaad iyo jidaal dheer waxay soo galaanba waxay soo Gaadheen wakhtigii ay dheefteeda heli lahaayen islamarkaana ay heli la haayen waxay waayo badan ku soo taamayeen una munaafacaadsan lahaayen cilmigii ay soo barteen. Waana dad maskaxdoodu dihintay una baahan cid ay ulisaan iyo cid dambarsata islamarkaana ay ku quudiyaan wana dad abuuri kara nolol Cusub iyo jihayn umadeed Balse nasiib daro waxa ay la kulmaan qabyaalad ragaadey, eex, yasid iyo takaarid beelaysan iyo mid jinsi, qudhun huursan iyo siyaasi qudhmay oo qabyaaladi qardo jeexday. Intuba waa aafooyinka boqmo xidhay qaranka iyo dhalinta aqoonyahanka ah ee caqligoodu dihinyahay Waana ta sababtay in aqoonyahankii iyo jaahilkii sinaadan isku tittle na noqdaan Dhalinyarada heerka jaamacadeed ee somaliland ku nooli 99% waa bilaa camal aan maanta ku xoogsan cilmigii a barteen Waana kuwo farro madhan Ka taagan dalkii ay udhashen Waxana sanad walba tahriba ku dhawaad 10kun o dhalinyaro ah kuwas o raadinaya nolol ka duwan tan ay ku noolyihin waxayna silic saxariir ka dib galaan wadamo shisheeye oo ay kala kulmaan dhibaatoyin nololed iyo qaar diineedba mana helaan daryeel kii hore udhaama Xukuumada somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed maxamud silanyo maaha dawlad qorshe ka yeelatay Dhalinyarada ay ragaadisay shaqo xumadu mudadadii 7sano ahayd ee ay hogaanka u haysay qaranka Hadaba somaliland waxa is a jira 3xisbi qaran ama habka nidaamka asxaabta badan mana jiro xisbi is u ololeeya shaqo abuurka Dhalinyarada islamarkaana qorshe siyasaded ka leh kuna ololeeya Wabilahi tawfiiq. Allaa mahad leh. W/q:-suxufi khaalid abdikarem haji Burao Somaliand

COMMENTS