ICTIRAAFNEWS.COM
Tuuggii qoyska burburin gaadhay
May 4, 2017 - Written by Khaliil Barre

gurigiisii oo uu tagay goobtii uu ka shaqaynayay waxa uu galay xafiiskiisii oo waxa uu gudo galay wixii maalintaa shaqo iyo hawl looga baahnaa, waa nin dhalin yaro ah oo firfircoone hore ayuu ka dhameeyay shaqadii uu gacanta ku hayay inteedii badnayd, kadib goor barqadii ah buu ka soo baxay xafiiskii oo uu doonay inuu soo yara qaato nasasho kooban soonanusaaceeyo (break time) waxa uu kaxaystay gaadhigiisii oo uu ku tagay mid ka mid ah hotels magalada hargaysa oo uu ku soo dhamaystay baahidiisii kulan gaabana kula qaatay asxaabtiisi joogtay goobtaas.

Samater sacad kadib waxa uu ku soo laabtay shaqadiisii iyo xafiiskii isuu usii dhamaystirto hawlihii maalintaas u qorshaysnaa ee uu gacanta ku hayay, soo gaadh goobtii uu ku yaalay xafiiskiisu markuu gaadhiga ka soo degayay ayaa waxa dhulka ku dhacay mobilkii uu sitay oo markaa uu yaalay dhabtiisa isaguna ma arkayo, nin tuug ah ayaa mobilkii qaatay oo markiiba la cararay oo sakadaha danbe ka laabtay, goor danbe oo wakhti ka soo wareegay uun buu ninkii tabay in mobilkii ka maqan yahay soo bax oo ka baadh gaadhiga dhexdisa markuu waayay ayuu garacay mise tuugii baa ka qabtay waxa uu ku yidhi sxb mobilka qaado oo kaadhka uun meel ii dhig waxa iigu jira numbers muhiim ii ah oonan ka maarmayne mise tuugii baa igu soo hal celiyay waar kani ku daaye suuqa laydha leh cab waxba meel kuma dhigayee intas kadibn waa uu ku jaray.

Markii arin sidaas ku soo dhamaaday ayaa goor salaadii duhur laga soo baxay waxa mobilkii soo garaacday ninkii samater xaaskiisii oon iyadu warba u hayn in xaajiga laga xaday maanta mobilkii, markii dhawr jeer lagujarjaray ee laga qaban waayay ayaa waxa mar danbe ka qabtay ninkii tuuga ahaa waxayna ku tidhi iyadoo xannaaqsan qaylinaysana “waa kusidee maxad manta dhan noogu dhagaysanaysaa mobilka eed noogu jaraysa kolba waad ogtahay in carruurtaadu xannuunsanaysee maanad dawadii soo qaadin oo aanad soo socon dee”ninkii tuuga ahaana isaga oon is dhibin buu gabadhii marka horeba uu ka xanaajiyay ku yidhi ” naa waad hadal badan tahaye caruurna dooni maynee naga tag adigana dalqad baan ku furaye yaanan kugu imanin guriga oo tag gurigiinii”

Intaasi markay dhacday baa gabadhiina sii xanaaqday intay alaabtii guriga guratay oo caruurtina kaxaysatay bay gurigoodii tagtay, ninkii odayga ahaa baa saacad kadib shaqadii ka soo rawaxay isaga oo daalan markii uu gurigii soo gaadhayna waxa uu arkay gurigii oo haawanaya oo aan cidna joogin waxa laguyidhigabadhadii tagtay reerkoodii iyadoo qaylinaysa waa uu iska nastay waxana u yimid odayaal ka socday dhinaca gabadha oo ergo war doon ahayd kana waraysatay waxa dhacay, sida wax u jiraa, waxa uu ku soo furay gabadhiisa ay nabada ku kala tageen iwm, ninkii yaab oo yidhi bisinka oo maxa keenay waxad sheegaysaan anigu reerkayga nabadas baan kaga maqnaa waxan furay iyo wax jirana ma ogiye waxay ugu hal celiyeen oo manad telefanka ka soo caayin oo dalqadasna ka soo furin,ku jawaab isna saaka baraqadii mobilkiba la iga xadayo anigu maba haysan manta, mise waaba la garaacay oo tuugii oo balaayo inuu gaysto ugu talo galay aya ka qabtay oo sheegay inuu isagu mobilka haysto gabadha ka xanaajiyay oo ku yidhina waan ku firaye yanan ku guriga kugu iman ee reerkini tag intanan iman guriga. Halkas baa lagu ogaaday in reerka la isku diray oo munaafaq ka dhex shaqeyay qoyska burburin gadhay sidasnagabadhini loogu celiyay reerkeedi iyo gurigii iskuna xaal mariyay shaydaankana la iskaga naaray.

Haddaba waxan u soo jeedinaya ragga iyo dumarkaba in ay ka fiirsadaan waxkasta oo ay kala kulmaan alladaha tiknoolajiyaga casriga ah ee aynu isticmaalayno oo aanay ku deg degan ka falcelinta waxkasta oo kagayimaada.

 

Qalinkii:cabdikariim sh. Maxamuud cabdilahi “suldaanka”

COMMENTS