ICTIRAAFNEWS.COM
DHIILAWGA GURMADKA ABAARAHA SHALAY IYO DHEGO KA FURAYSIGA MAANTA EE JAAMACADA CUMUUD
April 25, 2017 - Written by Khaliil Barre

Wallay Aanay Min Qiyaaska Abaartan Oo Kale Soo Marin Geyiga Soomaalida Ilaa Abaartii Daba Dheer Ee 1974-kii Ku Habsatay Gobollada Somaliland.
Hadana Abaartii Kal Hore Ka Dhacday Gobollada Galbeedka Somaliland Waxay Ahayd Miday Sida Fiinta Uga Qayliyeen Dadweynaha Gobolladaasi, Gaar Ahaan Waxa Si Weyn Looga Dhiilaabay Magaalada Boorama Ee Xarunta G/Awdal.
Waxaana Olole Loogu Tabarucaayo Dadka Iyo Duunyada Ay Abaaruhu Saameeyen Laga Bilaabay Guud Ahaan Dalka Oo Ay Ugu Horeeyan Goballada Bariga Ee Haatan Abaaruhu Indho Dhago Iyo Laxaad Tireen.
Jaamacada Camuud Oo Ay Dhigtaan Arday Gaadhaysa (4500) Oo Arday Oo 70% Ay Yihiin Arday Ka Timid Oo Kasoo Jeeda Gobollada Bariga Ee Somaliland, Buntiland Iyo Koonfurta Somaliya, Ayaa Si Ay Uga Qayb Qaadato Barnaamijka Ololaha Taakulaynta Abaaraha Ee Dad,Duunyo Iyo Deegaanka Keeda Loogu Qaadhan Uruurinayo, Waxay Awaamir Kusoo Rogtay Ardeydeeda In Arday Kastaaba Bixiyo $2 Oo Qaadhan Gurmadka Abaaraha Ah.
Ardayga Bixin Waaxayana Aanu Gelaynin Imtixaanka Jaamacada Oo Maalmo Kooban Ay Ka Hadheen Wakhtigaas. Arintan Ayaa Waxay Keentay In Jaamacadu Soo Xarayso Dhaqaale Badan Oo Ay Kaga Qayb Qaadato Gurmadka Abaaraha Ee Gobollada Galbeedka Somaliland.
Hadaba Aduun Gelinba Waa Cayne Maanta Oo Ay Abaarta Daran Ee Ka Jirta Gobollada Bariga Somaliland Iyo Guud Ahaan Meelo Badan Oo Kamida Geyiga Soomalidaba Ay Marayso Halkii Ugu Xumeyd Oo Duunyo Warkeeda Iska Daaye Dadkii Haraad Iyo Gaajo U Dhimanaayo.
Jaamacada Camuud Waa Mid Indhaha Ka Laabatay Oo Aan Dareemin Xaalada Abareed Ee Ka Taagan Gobolladaasi Iyada Oo Ardayda Ugu Badan Ee Jaamacadu Ay Kasoo Jeedan Oo Ka Yimaaden Gobollada Abaartu Bariinsatay.
Arintan Ayaa Weji Gabax Ku Noqotay Ardaydii Shalay Loogu Cago Jugleynaayey Kiina Haya Iyo Kiina Aan Haynba Waa In Laba Doolar Aad Bixisaan Hadii Kale Imtixaan Geli Maysaan Iyadoo In Badana Lagaga Soo Saaray Imtixaankii.
Ugu Dambayntii Waxaan Leeyahay “Dumarkuba Xublada Foosha Way Xanaf Wareeran e Balse Inay Xasuus Daran Yihiin Xaylka Kale Moog e” Ardaydaay Aynu U Guntano Sidii Aynu Uga Qayb Qaadan Lahayn Gurmadka Abaaraha Ee Dad, Duunyo Iyo Deegaan Keeni Ku Habsaday.
Wabillahi Tawfiiq.
Moh’ed Sahardiid Moh’ed

COMMENTS