ICTIRAAFNEWS.COM
Dhaqan Xumada Dhalinyarada Somaliland Bilowday Ha Laga Hoor Tago Waa Qalinkii Maxamed Cali Muuse
March 25, 2017 - Written by Khaliil Barre

وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا . illahay wuxuu yidhi ibnu aadamka waan karaameey wuxuu u abuuray abuurtii ugu fiicnayd (لقد خلقنا الإنسان في أحسن تقويم) wuxuu usameyey lugo uu kusocdo iyo gacmo uu wax ku qabsado oo uu kaga duwan yahay kuwa afartaba kulugeeya wuxuu usameye indho iyo dhego uu wax ku arko oo wax ku maqlo wuxuu usameyey caqli iyo garaad aanu cidkale u samayn waxaas oodhan waxaa kawayn oo uu siiyey garaad iyo caqli doonis iyo diimo oo ah faham aanu noolaha kale siinin waxaa kasii wayn wuxuu illahay amray malaa igtu inay usujuudaan ibnu aadamka si uu umuujiya karaamada iyo sharafta uu leeyahay wuxuu illahay gaar ulasii baxay RAGGA oo uu aduunkan udhiibay oo masuul uga dhigay wuxuu kasii qaatay si gaara oo raga kasoo baxay anbiyo iyo rusul uu ku aamina diintiisa iyo shareecada uu illahay ugu tala galay inuu kawn kani kushaqeeyo inay socodsiiyaan oo aduunka ku xukumaan waanay guteen waajibkaa anbiyadii iyo rusushii illahay waxaa udanbeyey nabigeeni muxamed calayhisalaatu wasalaam iyo intii rumaysay waliba inaga illahay sigaara ayuu umadaha iyo khalqigii kale inooga doortay markuu inagadhigay umatul muxamed oo muslimiina.(كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ ۗ وَلَوْ آمَنَ أَهْلُ الْكِتَابِ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُم ۚ مِّنْهُمُ الْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ الْفَاسِقُونَ) waxaa hadaba ayaan daro iyo dhabar jaba in sharafkaa iyo karaamada iyo cisadaa aynu maanta garab maray oo garan waynay waliba dayartii umadan indhaha iyo mustaqbalka u ahayd wuxuu gaadhay karaamadii abnu aadamnimo iyo tii raganimo iyo tii islaamnimaba in maanta dhalinteenii garan wayday oo qiimo daro oo hoos udhac iyo dulanimo halkay kagaadheen ay noqdeen aalad iyo agab shirkaduhu wax ku xayey siiyaan oo dharka reer galbeedku soo sameyey ay intay xidhaan lagu suuqyeeyo runtii duli nimo kawayni majirto waa kudayasho indhala waxaa laynoogasoo waariday dhaqamo shisheeyey oo aan diin iyo karaamo midna lahayn waa kuwa illahay ku tilmaamay inay xoolaha kaliitaan (أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ ۚ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ ۖ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا ) mawaxaad u malaynaysaa intooda badani wax maqlayaan ama ay caqli leeyihiin waa xoolaha oo kale iskabadaaye way kasiiliitaan xoolaha. waayo xooluhu wixii loo abuuray ayayba garanayaane waxaa kuwaa lamid noqonaya qofkii dhaqan kooda qaata oo sidooda udhaqma (من تشبه بقوم فهو منهم) rasuulku wuxuu yidhi qofkii qoom shabaha iyaga ayuu kamid yahay halkaa markay marayso hadaba inagu halkaynu kajoognaa ka somaali ahaan waxaynu ahayn dad qab wayn oo gaalka iyo wixii kudhawba ka xashaafa oo iskala wayn sheekadan ayaan idii kusoo gebeba gebaynaya sheekh cabdi rashiid cali suufi ayaa maalin wuxuu kasheekeyey wuxuu yidhi baribaan anigoo yar oo 5 jir meelahaasa gacan kajabay oday adeerkay ah ayaa ikexeyey oo dhakhtarkii digfeer igeyey waxaa joogay nin ruusha oo lafaha kabi jiray nin ruushka ahaa gacantaydii ayuu taabtay dabeedna wuxuu amray in laykaba markii aan debedii usoo baxnay ayuu adeerkay oohin qabsaday wuxuu yidhi wuxuu ku calaacalayey bal maxaan iminka ilmahan yar ku daahiriyaa. halkaas ayay somalidii hore gaalo iyo dhaqankeeda ka tasgnayd maantana qiimadarada waxaynu maraynaa inay maryaha u xayaysiino oo wiilasheenii iyo gabdhaheenii inta carwo looga furo magaalooyinkeeni waawaynaa ay maryaha xayaysiiyaan barina wax kalaa xigidoona ee ogaada waxaa kasii daran culimadii waalidiintii dawladii wuxuba waydaawanayaan waxaabad moodaa inay raali kayihiin danbigana hadii laga aamuso oo wax laga qaban waayo umada wuu camimaa oo wuu wada dhameeya waliba maanta xili xum ayaynu ku jirnaa oo aynu u baahanahay raxmada iyo naxariista alle wixii is hortaagaya oodhan waa in gacan bira lagu qabtaa oo shacab iyo dawladba loo midoobas hadii kale abaartuna kici mayso midkaloo kadarana way imanaysaa ee halagu tala

COMMENTS