ICTIRAAFNEWS.COM
Gudaha Ka Akhri : Shir jaraa’id oo si wada jir ah uwada qabteen Jamac Axmed Cateye oo ku magac dheer ( Jaamac Gudoomiye ama Bare Sare) iyo Xasan Suldan C/Laahi Suldaan Cali
March 23, 2017 - Written by adan Garasho

Shir jaraa’id oo si wada jir ah uwada qabteen Jamac Axmed Cateye oo ku magac dheer “ Jaamac Gudoomiye ama Bare Sare) iyo Xasan Suldan C/Laahi Suldaan Cali

Waxa uu uqormaa sida :- Somaliland inta badan waxa saamaysay abaar xun gaar ahaan gobolada bariga Somaliland laakiin waxa jira deegaanada ay abaartu saamaysay inay u kala qayb san yihiin laba qaybood

  • Qayb dawlada hay’adaha mucaarad iyo muxafadba ay si fican wax ugu qabten  biyo, baad iyo cafimadba ilaa hadana laga shaqaynaayo
  • Qaybta kale waa deegaano xageeda aanay cidiba ukicin oo la moodo inaan la ogayn inay cidi ku nooshahay iyo inkale, waxaanu socdaal ku soo marnay deegaanada ay ka mid yihiin waridaad, D. dhanaano iyo Magaalooyinka wirir, samakaab, bali-caraale, D.faqaayuub iyo D.ceelal
    sidoo kale waxaanu socdaal kusoo marnay jiida guban oo ay kamid yihiin: Degmada Laasciidle, Magaalada Raari-buul, Xididaaley iyo Ceel Baxay. deegaanadaa aanu kor ku soo sheegnay dhamaantood biyo iyo baad midna kama arag mucarad iyo muxafad toona waxba kama hayaan deegaandaa xoolaha intoodii badnayd waa ay dhimatay illaahay ayaa gurmad lehe, hadii aan si degdeg ah loogi gurman dadkaas waxa bilaabmaya geerida dadka waxaanu leenahay hadaanu nahay masuuliyiinta shirka jaraa’id qabatay waxaanu usheegaynaa waxa layidhi Janada hawlo badan ayaa kasoo keeya dadka deeganadan yaala waxad moodaa

Geed yahaw hadaan midho

kaa helo waan kaa goosan

shirkan jaraa’id joogto ayuu ahaanayaa ilaa inta lakala hubsanayo dadkan inay yihiin kuwo loo baahan yahay iyo kuwo aan loo baahnayahay.

Waxaananu leenahay dadka wixii la gashado ayaa laga goosanayaa

COMMENTS