ICTIRAAFNEWS.COM
waxa xaqiiqo ah in korodh badan oo xanunkaKansarki Ahi Dunida Faro Baas Ku Hayo, Sida Ay Dhawaan Soo Bandhigtay Xarunta Cilmi
February 5, 2017 - Written by admin

waxa xaqiiqo ah in korodh badan oo xanunka kansarki ahi Dunida faro baas ku hayo, Sida ay dhawaan so Bandhigtay Xarunta cilmi

kansarka ayaa ah koox xanuuno ah ( group of diseases) kuwaas oo dhammantood ka dhasha koritaan aan caadi aheyn oo ku dhaca Unugyada Jidhka Aadamaha ( abnormal cell growth) kuna faafa Qaybaha Kale ee Jidhka.
kansrku waa xanuun dhibaato badan ku haya Dunida , sababna u noqda Dhimashada Dad tiro badan ,sida ay sheegtay Hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO, sannad kasta waxaa u Dhinta 8.8 million oo Qof , waana In ka badan Inta Sannad kasta u Dhimata AIDS-ka, malaria-da iyo waliba Qaaxada (TB).
waxa xaqiiqo ah in korodh badan oo xanunka kansarki ahi Dunida faro baas ku hayo, Sida ay dhawaan so


Bandhigtay Xarunta cilmi Baadhista kansarka ee wadanka ingiriisku ( cancer research Uk) waxa la filayaa in ay korodho tirada dadka uu Asiibay xanuunka kansarku Gaadhana 4.5 million oo Dumar ah iyo 4.8 million oo Rag ah sannadada soo socda.

xanuunka kansarku wuxuu Ku Dhacaa Qayb kasta oo Jidhka ka mid ah , Ilaa Hadda waxa la ogyahay ilaa 200 oo Nooc oo kansar ah, Noocyadaas kala Duwan Ee kansarku waxay ku badnaan jireen wadamada Horumaray gaar ahaan reer yurub iyo maraykan , hadda se wadamada soo koraya Gaar ahaan Afrika ayuu si xawli ah ugu soo Badanaya .
somalia Ayaa ka mid ah wadamada xagga cafimaadka ugu liita Dunida , Dadkeduna waxay la La daala dhacayaan Xanuuno tiro badan , waxaana hadda Aad u soo badanaya Dadka laga helay cudurka kansarka , gaar ahaan noocyada kala ah.
kansarka Dhiiga (blood cancer)
kansarka Dhuunta ( esophageal cancer)
kansarka Sambabada ( lung cancer)
kansarka Naasaha ( breast cancer)
kansarka Maqaarka ( skin cancer)
Cudurka kansarka ma jirto Daawo lagu talo galay in si dhamystiran wax uga tarto cudurkaas, waxaase rajo fiican laga qabaa in wax laga Qabto Hadii la ogaado intaanu ku faafin qaybaha jidhka , waxayse rajadaasi sii yarataa mar kasta oo qofka xanuunku ku fido.
waxa jira dhawr Hab oo la isticmaalo si  looga hor tago fiditaanka cudurka iyo In Nolosha Qofka laysku dayo in la dheero ( prolonging the life). waxaana ka mida ah hababkaas 
Qalliin( surgery) 
shucaac ( radiotherapy)
 Isticmaalka dawooyin kiimiko ah ( chemical therapy)
iyo Daawaynta Astaamaha ( systemic therapy)
waxa jira waxyaabo badan oo si toosa ama si aan toos ahaynba u sabab cudurka kansarka , ha ku kala badnadan hana kala khatar bateene hadana dhamntood waxa si weyn loogu aaneyaa in sabab u yihiin in cudurkaasi ku haleelo. waxaana ka mid ah 
tubaako ( tubacco) 
tubaakada ayaa ka kooban ilaa 7000 oo walxo kiimiko ah , 250 ka mid ah ayaa khatar culus ku ah caafimaadka halka 50 ka mid ahina ay kansarka sababaan.
tubaakadu waxay sababtaa noocyo dhawr ah ka mid ah kansarka sida , kansarka dhuunta, kansarka Dhiiga  iyo ka ugu badan oo ah kansarka sambabada, sidoo kale qofka tubaakada lagu ag qiijiyo ayaa isaga laftiisu halis ugu jira cudurkaas gaar ahaan Caruurta oo Aabaha ama Hooyadu ku ag qiijiso, waxa iyaduna xaga dhibaatada la mid ah tubaakada la calaashado ee aan Qiiqa lahayn ( chewing tobacco or smokeless tubacco).
2. Buurni iyo Miisaan xad dhaaf ah ( obesity and overweight)
Hadii aad buurantahay ama cayishay kaliya Halis uma tihid cudurka kansarka balse  waxaad halis u tahay xanuuno badan oo kugu dhici kara sida wadne xanuun ( heart disease), macaan ama sonkorow( diabetes) , Dhiig kar ( hypertension) iyo kuwo kale oo badan.
3. Khamri ( Alcohol)
alcohol amma khamri waa mid ka mid ah waxyabaha cudurka kansarka sababa gaar ahaan kansarka afka , kansarka dhuunta iyo waliba kansarka caloosha ku dhaca.
4. shucaac (Radiation)
Qalabka kala duwan Ee aynu adeegsano, shucaaca Qalabka caafimaadka iyo waliba kan warshaduhu waa halis caafimaad oo sabab u noqon karta cuduro badan oo kansarku ka mid yahay.
waxayaabha loo aaneyo in ay sababaan cudurka kansrku way tiro badan yihiin waxaanse ka soo Qaatay Kuwaan islahaa gayiga somaalida iyo nolosheena ayey si toosa u taabanayaan,
Talooyin caafimaad
iska ilaali warwarka ( stress) wuxuu halis ku yahay cafimaadkaaga waxaana lagu tiriyaa waxyaabha sababa cudurka kansarka
iska jooji ama yarayso Dawooyinka laysku cadeeyo ii kiimikada ah
samee jimicsi badan ugu yaraan lugee intaad awood
isticmaalka khudrada cagaaran iyo cuntooyinka galka leh( baalley) iyo cunto dheeli tiran ( balance diet)
cudurka kansarka lama kala QAADO
ka ilaali ubadkaaga meelaha sigaarka ama shiishada lagu qiijiyo 
Dr. Ismail Omar Dirir
Marmara University
isatnbul -turkey
daljir366@gmail.com

 

COMMENTS