ICTIRAAFNEWS.COM
Sonsaf_GoormayTaladii_Qaranka_La_Wareegtay?
February 4, 2017 - Written by admin

.Sonsaf_goormay_taladii_qaranka_la_wareegtay?

Waxa ay maalmihii u danbeeyay Sonsaf qaban qaabinaysay shir lagaga hadlaayo cadaalada, laguna falan qaynaayo arimaha garsoorka.
Waxa ay shirkaasi ku casuuntay hay’adaha kala duwan ee cadaalada, haday tahay wasaarada cadaalada, garsoorka, xeer ilaalinta, ururka qareenada somaliland iyo ururo kale.

Shirkaasi inkasta oo aanu wali furmin, hadana warqada casuumada marka aad aragto, waxa ay u taalaa sidii oo sonsaf tahay hay’adii arimaha cadaalada iyo garsoorka ugu sareysay oo hay’adahaasi kala duwan la xisaabtamaysa oo weydiinaysa wax qabad kooda.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay, iyadoo hay’adihii dawlada ee isla xisaabtanka iyo is dheeli tirka u xilsaarnaa jiraan, goorma ayaa #Sonsaf noqotay hay’adi ugu sareysa qaranka ee hay’adaha iyo waaxaha kala duwan ee dawlada la xisaabtamaysay.

Waayo, waad ogaydeen oo shaqadii komiishanka ayay hore faraha ula galeen,tirina gudi ay magacawday ayaa qabanaysa.Sidoo kale arimaha kale ee doorashada ayay si joogto ah faraha kula jirtaa, oo aad moodaaba in ay iyadu tahay cida daneeyayaasha doorashada wax u yeedhinaysa,Maantana hay’adii cadalaada ayay waraaqo casuumadeed oo qaab la xisaabtan ah u yaala u soo dirtay.

Ugu danbeyn hay’adaha qaranka waxa aan ugu baaqayaa in hay’ad walbaa awoodaheeda dastuuriga ah gudato oo aanay cid aan nidaamka dawladnimo kaba mid ahayn u dabo fadhiisan.

Sidoo kale, waxaan #Sonsaf ugu baaqayaa; in waxii daraasada ee ay samaynayo si madax banaan u samayso, soona ban dhigto. Balse ay ka waan tawdo in ay samayso wax mijo xaabinaaya dhismaha qaranka iyo hay’adaha dastuuriga ah, oo ay qabato shaqo la mid ah kuwa hay’adaha qaranka ee kala duwani u xilsaaran yihiin.

W;Q/Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

COMMENTS