ICTIRAAFNEWS.COM
Suldaan Barar, Siyaasi Barar, Sicir Barar
February 4, 2017 - Written by admin

Waar ninkaasi waa fariid.sowkii markii wasiir Zamzam riiga gaysay degmada Daara salaam isna Degaankii Ali ciise riig geeyey maaha.

Dhaqaneiyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

dhaashane:Waar heedhe kan Trump madaxweynana maahee  maxaa muslimiinta ku diray horta.Qofku muslimiin necebaa.

Dhaqane:Waar muslimiin oo dhan ma necbee kuwa faqiirka ah dheh.Sowka sucuudiga shaarubaa ka dhunkada.

Dhaashane:Waar heedhe beryahan hoostaad ninkii wasiir Cadaani eed ku kacsanaan jirtay ka amaantaa maxaa is bedelay?

Dhaqane:Waar ninkaasi waa fariid.sowkii markii wasiir Zamzam riiga gaysay  degmada Daara salaam isna Degaankii Ali ciise riig geeyey maaha.

Dhaashane:Oo waxan

ku waydiiyey markaad shalay lahayd erayga GUDI waan necbahay kumaan fahmine maxaad ka waday?

Dhaqane:Inaadeer kelmadaa waxa i nacsiiyey madaxweyne siilaanyo.Arin waliba markuu ugu adagyahay ayuunbuu ku odhanayaa GUDI baan u saaray.Bal imika Gudidii abaaruhu meeday?Mida kale ma maqashay wax waliba wax bay dhalaan?Markii ugu horaysay waxa inagu dhacay SULDAAN barar waxa ku xigay SIYAASI barar hada waxa taagan SICIR barar.Maalin dhaweyd baa mid i waydiiyey dhulka soomalidu degto magaaladee ugu ilbaxsan?Markaasaan ku idhi ,taas ma suaalbaa ?dee Burco.

Dhaashane:Oo xageed warkaa ka keentay?

Dhaqane:

Waar dadku googley suaalaan waxay garanba waayaan

Gmail fariimaha galaa kama gaboobaan

Gelin  hore warkaa laga  helaa garanay facebuug

Guux baa ka baxa adenow gudaha IMO

Waxa gole whatsupkaa ka furan  garanba maysaan

Geeljiraha hawdkana Viberkaa laga garaacaa.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden

 

 

COMMENTS