ICTIRAAFNEWS.COM
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Berbera U Gaadhey Xalinta Khilaafkii Ka Dhashey Masaajidka Sheekh-Isaxaaq
January 31, 2017 - Written by admin

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon),ayaa socdaalkiisani Magaalada Berbera kusoo beegay wakhti ay meel xasaasi

Berbera(ictiraafnews)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon),ayaa Magaalada Berbera ee Xarunta Maamulka Gobolka Saaxil manta u gaadhey arimo la xidhiidha xalinta xiisadii ka dhalatey khilaafkii Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera ee dhawaan laga faramaroojiyay Culimada Sune-Wajameeca.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon),ayaa socdaalkiisani Magaalada Berbera kusoo beegay wakhti ay meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashey Masaajidkani oo xiisadiisu saamayn ku yeelatey culimada dalka guud ahaan maadaama Somaliland in mudo ah ka bad qabtey khilaaf dhinaca Culimada iyo madbadaha ay kala aaminsan yihiin kaas oo mudooyinkii hore marar badan laga dareemi jirey gudaha Somaliland,iyadoo

shacbiga Reer Berbera intooda badani u arkayeen in khilaafkan xal rasmi ah laga gaadho talaabo Xukuumadu asiibtey wakhti xaadirkan haseyeeshee, ay in badan ka dhaga adeygtey iyadoo Wasaarada Diinta Awqaaftana lagu tirinayo in ay la safatey dhinac kamid ah dhinacyada Culimada khilaafka u dhexeeyo.

Socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha eek u aadan xalinta khilaafka ka dhashey Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera ayaa,siweyn loogu dheg taagayaa halka uu kusoo khatimo xalinta xiisadaasi maadaama rabshadiisu kusoo noqnoqotey shacbiga Reer Berbera.

 

 

COMMENTS