ICTIRAAFNEWS.COM
Umad Wada Siyaasi Ah
January 31, 2017 - Written by admin

Tirada badan ee war baahintu dheeftayda iyo dhibteedu waa ay isku dheeli tiran yahiin oo waa seef laba afle leh hafdi xagga wanaagsan loo adeegsado guul baa

Asc waxa aan halkan uuga soo gudbinayaa salaan diiran bahweynta hadhwanaag news oo ku sifaysan dhiirigalinta qalinka iyo qoraalka , iyo akhristayaasha ku xidhan shabakadan.

Salaan ka bacdi  maanta waxa aan doonayaa in aan yara dul is taago mawduuc aad u balaadhan kuna haboon in si qoto dheer looga hadlo,  laakin aynu dul xaadin ku samayn doono.

Tobankii sano ee uugu dambeeyey dalkeena waxa ku soo kordhay war baahin aad u fara badan iyo saxaafada xorta ah oo halkii uugu saraysay gaadhay, waa wax ilaahay loogu mahad naqo waa meel aanay gaadhin dalal farabadan oo ictiraaf buuxa haysta oo jaar keena ah.

Tirada badan ee war baahintu dheeftayda iyo

dhibteedu waa ay isku dheeli tiran yahiin oo waa seef laba afle leh hafdi xagga wanaagsan loo adeegsado guul baa laga gaadhi haddse xagga qaloocan loo adeegsado qaran jab bay keeni.

Aan ku soo dhawaado dulucda mawduucayga waxa aan uuga socdaa,

Soomaalidu waxa ay ku maah maah daa

(Oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa)

Waxa la moodaa in bulshadeenu gabi ahaanba ay wada siyaasiyiin yihiin

oo ay noqotay siyaasadu waxa kaliya ee laga shaqeeyo maanta.

 

Mar kasta oo arin ku soo kordho wadanka ama dawladu ay awaamiir soo saarto waxa aad arkaysaa dhaan bulshadii oo ku murmaysa goobaha fadhi ku dirirka loo yaqaano oo falan qeenaaya arintii.

Waxa la yidhi mayd maxaa uugu danbeeyey dee kaa la sii sodo

Usbuucan uugu danbeeyey dawladu waxa ay soo saartay wareegto uu ku salaysan amar madaxweyne oo ah in la joojiyo dhamaan adeegyada zaad iyo E-dahab oo lagu maareenaayo xal u helida xaalada sixir bararka.

Markii uu go aan kaasi soo baxay waxa TV yada qabsaday dhamaan cuqaal iyo  salaadiin ku garab taagan in adeegyadani aanay wax dhib ahi ku jirin loona baahnaa in xalka meel kale laga eego.

La soco oo waa siyaasadii waji ku macaashka ahayd oo meeo bay ku lug leedahay.

Goorma ayaa ay xaq u yeesheen odayaashani in ay ka hadlaan arimaha dhaqaalaha , aqoon ma u leeyuhiin.

Xilka ma shirkadahan bay u hayaan muse reerihii soo doortay.

Isku soo xoori oo maanta waxa aynu maraynaa in aynu wax kasta dariiqa ia ga sheekayno waa dhibaato laga dhaxlay baan filayaa war baahintan faraha ka baxday.

waxa aan ku soo af meeri lahaa  qoraal kaygan arimaha waa la kala leeyahay oo cid baa inooga masuul ah kuna ognahay arinta siyaasada mucaarad iyo muxaafidba.

Lkn qolyaheenan cidlada ku xiiqay ee saacado badan ku lumiya falanqayn teeda waxa haboom in aynu hawlaheena ku toosno.

Haddi aynu wada siyaasi noqono soo sirteenu banaanka oolimayso

cadawgu na helu maayo god dalooladeena.

 

WQ:  mahamed hussein jama

E- mail: Ababiye11@gmail.com

Facebook:mohamed hussein jama

+2520634410447

 

COMMENTS