ICTIRAAFNEWS.COM
Saylici iyo Muse Biixi oo mudo kordhiska ku kala duwanaa by Abdi Mustafe
January 31, 2017 - Written by admin

Saylici iyo Muse Biixi oo mudo kordhiska ku kala duwanaa by Abdi Mustafe

Saylici wuxuu soo jeediyey in mudo sanad ah doorashada madaxweyna ha iyo madaxweyne ku xigeenka dub loo dhigo. Muse Biixi wuxuu taagnaa in aan maalin dib loo dhigin oo la qabto 28 Mach 2017. Taasi waxay cadaynaysaa in aanay wada socon oo midba xeelad gooniya watay. Markii labada xisbi mucaarad iyo komishanka iyo madaxweynuhu saxeexeen in lix bilood dib loo dhigo Muse Biixi iyo Saylici ba aad bay uuga naxeen oo qasab bay ku noqotay Muse in uu la qaato oo saxeexo. Guurtidu weli may shaan-badayn hase yeeshee doorkan meel ay ka baxaan ma muuqato oo haduu Sulieman gaal is yidhaa xuquuqda muwaadiniinta ku tumo oo sidaad doonto ka yeel waxay


kalifi doontaa in cimrigiisu soo gaabto oo bulshadu isla oogsato wuuna ogyay midhkaa in aanay maanta oo kale ahayn markuu intuu London ka soo cararay lagu waraystay madaarka Hargiesa ee uu ku jawaabay waa la kordhin kii horeba waa loo kordhiyey e. Sulieman gaal dulmi badan buu ummada ka galay kol ay Silaanyo ku tahayna oo waakii Riyaale u kordhin jiray ee Silaanyo ka calaacali jiray shirkii lagu qabtay golaha guurtida. Hadaba maanta ma noqqon doonto maalmihii wadanku xasiloonaa ee la iska indha tiriyey waxay guurtidu samayso ee sowmal haad baa ka baxaya oo hadii lagu ciyaaro shicibka iyaguna qaynuunka ayay gacanta ku qaadan. Wuxuu Silaanyo saxeexay haduu Sulieman gaal diido dabeed dib ha la isugu noqdo cida dalka xukunta.

Abmustafe123@gmail.com

 

 

COMMENTS