ICTIRAAFNEWS.COM
Waddani Maxaynu Ku Dooranaa ?
January 30, 2017 - Written by admin

Waddani Maxaynu Ku Dooranaa? Taariikhdu waa giraan suuraysa oo dhigta waayo iyo wakhtiyo lamahadiyo ama la murugoodo. Innaga oo taas ka shidaal qaadanayna, 31 May, 2001-dii. Waxa ay ahayd Maalin ku suntan maskaxda iyo quluubta shacbi-waynaha Reer Soomaalilaan. Waa maalin ay rumawday riyo inta badan ay Bulashadu u haysatay riyo maalmeed, waa maalintii ugu horraysay ee bulshada ku dhaqan Jamhhriyadda Soomaalilaan ay u dhaqaaqeen Aftida Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Dastuurka marka la leeyahay bulshadu wakhtigaa si cilmiyaysan umaa aysan aqoon, oo wakhtigaa waxa laga bogsaday colaad sokeeye oo riiqday bulshada isla jeer kaasna ragaadisay oo rajo-beel ka dhigtay hammigii iyo hamuuntii ay shacabku u qabeen dawladnimo hadhkeeda iyo hiilkeedaba lagu dhargo. Rabbi durdurradii Jannada Fardowsa haka waraabiyo e, waxa abaalkaa iyo mahadhadaa Taariikheed ee qabsoomidda qiimaha leh ku suntanaa, Madaxweynihii labaad ee Qarankan Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHUN). Taasi waxa ah sababtay in bulshada ku dhaqan Qarankan Soomaalilaan 97% (boqolkiiba toddoba iyo sagaashan) ay ugu codeeyeen in Soomaalilaan ay tahay Qaran ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale ( Haa).

Taariikhdaasi waa mid suntan oo ku sidkan quluubta shacabka Soomaalilaan ee baryada ILLAAHAY mooyee cid kale baryadooda ka fadilan, Dimuqraadiyadda Qarankani waxa ay ahayd qori-iskudhiib maalinba ceel joogtay, Dowladihii kala danbeeyey mid walba awoodeedda Siyaasadeed iyo Dhaqaaleed ayaa jaan-goynayey inta ay kolba hore u tallaabsan karto. Waxa aan Taariikhdaa qalbi taabadka ah inoo xasuusinayay, bal in aynu dhaxal ahaanna u haysanno, xaaladda Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee uu maanta Dalku marayana ku lingaxno. Si aynu bal miisaanka Dawladnimo isku saarno. Alxamdulillaah, maanta waxa aynu joognaa xaalad maalintaa Dastuurka loo codaynayay riyo ahayd in Dalku yeesho Doorasho habka Xisbiyada badan ah. Haddaba Nimco waliba nusqaanteeda lehe, Xisbiga Kulmiye ee hadda talada Dalka haya, waxa uu saqiiriyay oo uu nafaqadii iyo korriinkii wanaagsanaa

 

ka xidhay Dimuqraadiyaddii iyo Xadaaraddii xawaaraha iftiinka Cadceedda ku socotay wakhti aynu intan ka Cudud, Ciidan, Caqli iyo Cilmiba yarayn. Inaga oo taas ka shidaal qaadanayna, maanta tallaabo mar la arag ah oo ay adag tahay ku dhicisteedu, dhabbe iyo hilin cusub oo Siyaasi ahna jeexday ayaa waxa inoo jedeeyay Xisbiga waddani. Xisbiga Waddani waa Xisbiga ugu da’da yar Saddexda Xisbi ee talada dalka u baratamaya, waxaana dhidibada loo taagay Maalin Khamiis ah 6-dii October, 2011kii. Xaflad ay Il-yartu is qabatay oo ka dhacday Huteel Maansoor. Waana Xisbiga kaliya ee illaa hadda lahayo Barnaamij Siyaasadeed hufan oo uu u soo bandhigay Bulshadan dhibanaha u ah Siyaasad xumadii iyo tacadigii u Xisbiga Kulmiye dhaxalsiiyay. Intaas kagama uu hadhin e, haddana waxa uu ku dhiirraday in uu ogolaado in uu dood u furo Aqoonyahanka da’ada yar ee Dalka si ay u falanqeeyaan Buugga Xisbiga, iyada oo waliba bedka la soo dhigay Buugga, qof kasta oo Muwaadin ah taageerana u ah Xisbiga Waddani uu talo, tusaaale iyo dhaliil Caqli iyo Cilmi ku dhisan usoo jeedin karo. Marka aynu dar ILLAAHAY u hadalno,

 

waa tallaabo ku cusub saaxadda Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda Soomaalilaan. Muddadii 26-ka Sanno ahayd ee ay jirtay Soomaalilaan waa markii ugu horraysay oo Xisbi Mucaarad ah uu Barnaamijkiisa soo hor dhigo Aqoon-yahanka dhallinta ah ee uu Dalkani leeyahay, wakhtigii uu Kulmiye mucaaradka ahaa sidan muu samayn!, marka laga reebo in uu fagaarayaasha ololaha inta uu dad jibbaysan iskugu yeedho uu bogagga ugu quruxda badan ku dul akhriyo. Ugu dambayntii kani waxa uu ibo-fur u yahay, maqaallo Aqoon ku dhisan oo ka reebban Caadifad, qof jeclaysi iyo mala-awaal aan loo meel dayin, kuna fadhiya xaqiiqda iyo Buugga Qabyo-qoraalka ah ee uu Xisbigu soo bandhigay si aan Qallinkayga caarada fiiqan ula dul fadhiisto. Aniga oo ka abbaaraya kaliya dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqaalaha oo aan Shahaadada koobaad ee Jaamacadda ku diyaariyay. Waxa kaliya ee taas igu dhiirrigaliyay oo dhabarka iga riixay waxa weeye, in aan ka mid ahay Dhallinta maanta Hilaadinaysa in ay saaxadda Siyaasadda iyo goobaha masiirka Ummadda lagu gooyo timaaddo. Si bal mar uun loo helo dhallin la dareen ah walaalahooda Mustaqbal xumadu ku dishootay, dhulkii uu RABBI dhaxal ahaan u siiyay.

W/Q Guuleed Muuse Cabdilaahi.Bachelor Degree of Political Science And Economics at Admas University. Guleid2090@gmail.com Facebook. Guuleed Muuse Cabdillaahi.

COMMENTS