ICTIRAAFNEWS.COM
ANALYSIS:- Baaqii Shacabka + Bayaankii Dawladda + Baroortii Telesom + Bagga-Dii Shirkadaha Kale, Iyo Baylahda Wali Taala.
January 26, 2017 - Written by admin

BY Aqoonyahan mustafe rayaale

 Waxay ahayd malahayga maalihii ugu adkaaa ee soo waajaha shacbiwaynaha s/land, maxaa yeelay waxa halmar isu raacay Abaaar ba, an oo Dad iyo duunyaba saamaysay iyo sixir barar cirka isku shareeray oo dhar iyo dhuuniba lagoyn waayay, yaab iyo amakaaag kadib, shacabku wuu kusax-sanaaa inuu kaco codkiisoo midaysanna wadar kugaadhsiiyo ciddii markaaa uu miciin iyo ciirsi bidayay(dawladda) marka Laga hadlayo wax kaqabashada dhibkooda, dawladduna dawgeedii way martay markay 24 saacadood gudohood kaga jawaabcelisay dhawaaqii shacabka dhibtooday, in-kastoo dawladdu aysan wada dhayin boogihii xanuunkooda shacabku la qayliyay, haddana ugu yaraan dawaladu way maqashiisay dhegaha dadwaynaha qodobo runtii ay kudiirsadeen oo ay ugu waynayd in qiimihii dollar-ka

hoos loodhigay, kudarsoo shacabku waxaabay ladhaceen in cabashadoodii ladhagaystay islamarkaana degdeg looga jawaabay.

U RIYAAQISTII SHACABKA IYO BAROORTII TELESOM +DHOOLACADAYNTII SHIRKADAHA KALE.
Hadaynu kudul istaagno shacabka iyo dawladoodaa isu jawaabay, nuxurka ugu wayn ee halkaa kujiraaa waaa in shacabku ay dareemeen qiimaha dawladnimo is-lamarkaana ay gashay rajo fiican oo odhanaysa haddii waxyar laguu qabtay waxwayna waa suur-togal in laguu qabto. BAROORTII IYO BOODISTII TELESOM Hadaba hadii shacabku u ri-yaaqay go’aanadii golaha wasiirada kasoo baxay, ee ka dhashay ama ay horseeday jaqaaqdii sha-cabku, hore ayaa looyidhi waxa badhaadhahaaga ahi ragbay bi,iisa yihiine, waxaa jiray darkale oo markii ay maqleen qodobadaasi uu garka wadnuhu hoos u go’ay naxdin darteed, dil iyo doocwareena ku ahaayeen go’aamadii dawladu, waa darma kuwaasi tollow? waa shirkaddii dahab iyo dollarba dadka ka idlaysay ee jawaanada aan buuxsamin u tollotay lacagtiinii, waa shirkadiii dhawaana door muhiim ah ka ciyaartay deeqihii abaaraha, ” waa TELESOM” waa wiilasha yaryar ee aan caqligooda kayaabay, waayo iyagoon diinta dacal marin ayay intay fikireen dadkii lacagtii ka urursadeen, oo waliba ku qanciyeen dadkii inay numbero kaliya wax ku kala iibsadaan, intay bulshadu numberadaasi qalalan wax kukala gadanayaan ee ay dhex-wareegayaana ay shirkadu lacagtoodii kusii shaqaysto, hadda xaraana kuma ahee ogow, waayo wiilashan caqliga badani horey uga fakareen waxaasi qofkaste oo ZAAD lehna way ka sexeexdeen inay lacagtiisa kushaqaysankaraan. Sikastaba ha ahaatee shirkadani telesom mar hore ayaa dhibaaxo khayrkeed kareebtay ay ugu dhacday. Taariikhdu waa 2001, goobtuna waaa HARGAYSA, xawaaladda ALBARAKAAT-na cirkaasay maraysaa oo waxay kusocotaa xawaare lagayaabay, warbaahinkaste oo aad furto waxaad ka maqlaysaa xaysiiskeeda”XAFIIS AAD U BILANOO BARAKAAD KU QORANTAHAY BAR-BARKAAGA KAMA FOGA” dahabshiil oo illaa SNMtii hadba taag halahaatee soo shaqaynaysayna way yaabantahay amintan, oo tartanka ayaa cirkaa la islamarayaa, dabeeto maxaa dhacay? wixii dhacaybaa dhacay, hayee, si ay u dhacdayba, hal mar ayaa albaabada loolaabay shirkadii caanbaxday ee ALBARAKAAT, ee xafiiskeedu barwalba ka-furnaa, dawladda MARAYKANKA ayaanuu kasoo fulay amarka lagu xanibay shirkadaas, amakaag iyo afkalaqaad ayuunbay kunoqotay shirkadii iyo dadkii lacaguhu kaga xanibmeen, lkn DAHABSHIIL iyada markan waa u dhoolacadayn iyo jaanis wacan, oo tartankii barbanaan ayay buundooyin sare kaheshay, markan majirto cidkale oo ay wax iskaga tirinayso dahabshiil,
sidaas ayaa ay shirkadihii latartamayay ku dhaafeen albarakaat. Dayn, darxumo, iyo dhaawac kasoo kaba-shadiisu sannado badan qaadatay kadib, saraakiishii ALBARAKAAT ismay dhiibin, waxayna wakhtigan laabta ku qaboojisanayaan, xilli xantoodii la isla dhexmarayo, oo ay ku dhego barjoobeen hadalo iyo ereyo an farxad ulahayn iyaga, waxay isku qancinayeen maahmaaho ay ka midyihiin, “KAM SHUUF MARAAKIIB” kkkkk “RAG WAA KII KUFFA EE KACA” iyo aayado quraan ah oo samirka kahadlaaya waayo culimo ayay u badnayd albarakaat. iskusoo wada xooriyoo, hore ayaa loogu maahmaahay “WAKHTIYADA ADAGI MADHAMAADAAN BALSE RAGGA ADAG AYAA KA BAXA” saraakiishii reer Barakaat way fIkIreen, oo way tashadeen, tab iyo xeeladba way isu geeyeen, waxkaste oo macquul ahna way layimaadeen, ugu danbayna waxay kaga dhigeen “RUUG CADDAAGGII SOO ROGAAL CELI” waxay soo xidheen shaadhkale”TELESOM” waxayna la yimaadeen adeeg kale, “TELEFONE SERVICE” haddana “ZAAD” iwm. iskusoo wada duuboo go’aankii golaha wasiirada somaliland ee kusaabsanaa xaddidaada istic-maalka adeega lacagta ee ZAAD, ayaa markale dhirbaaxo ku noqon kara shirkadan, haduu doono go,aanku qaranka dan ha u ahaadee, lkn shirkadasi waxay u aragtaa dhabar-jab, waxayna ku macnaysay go’aankan dawladda,”ZAAD-da xidha”

BAGGADII SHIRKADAHA KALE 
waxaa jira shirkado badan, oo uu tartan dhinaca ganacsiga ahi kadhexeeyo shirkadda telesom, sidaa daraadeed waxyeelo kaste iyo caqabadkaste oo shirkadan soo waajahdaa, shirkadaha kale waxay u tahay fursad.

BAYLAHDA WALI TAALA
1- Kuma filna go’aamadii dawladu kazoo saartay cabashadii sixirbararka, waayo wali maciishadda waa halkeedii.
2- Waa in dawladdu cashuurta kadhintaa maciishadda daruuriga ah, ganacsataduna waa inay qiimaha hoos u dhigaan.
3- Telesom oo ah shirkad muhiim ah. Waa in dawladda ay isfahmaan, iyadoo aan dadwaynaha iyo shirkadaha kale lamaqashiin xoggaha kadhexeeya dawladda iyo shirkaddan.
4- halaga fakaro talaabooyinka laqaadayaa waxay keeni karaan.
5- shirkaduhu danta gaarka ah, ha kahoraysiiyaan danta guud.

 

riyale012@gmail.com

 

 

COMMENTS