ICTIRAAFNEWS.COM
Dadkaan U Xilsaaray Mee? Waa Maanso Wacyiga Ka Waramaysa ABWAANKA DA’DA YAR ( SAAHID )
January 22, 2017 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Dadkaan U Xilsaaray Mee? Waa Maanso Wacyiga Ka Waramaysa ABWAANKA DA’DA YAR ( SAAHID )

wixii dumey yaa hagraday?

wixii dugey yaa bud dhigay?

daleesha maxaa I wadhay?

dayaca aan luudayiyo

daryeel li’idaan habsadey

hadaan ka dabaalo rabey

Maxaa dabarka igu xidhay?

dunida aan kaba hadhiyo

dhibkaan kala daadsanahay

xalkii lagu doorin laa’

dadkaan u xil saaray mee?

tan iyo dhiska dawladnimo

intaan madax dooraniyo

aqoon yahankii dalkuba

miyay ka demoon yihiin

abaarahan dooga xiga

gu’ iyo dayr waagga dhaca

diilaalyada ay Kasbaan

inay noo daah furaan

xalkii lagu doorin laa’?

miyaan la dareensanayn

dalkeenuba xoolihiyo

inuu yahay daaqsatada

dam tidhi maantee aradan?

foolaadka dadkii ahaa

damiirki miyuu engegey

dedaalki miyuu anbaday

da’yarta ma qabyaalad iyo

waxaa garba duubay qaad?

 

 

Curiye: Cabdisamad Maxamuud Ismaaciil (Saahid).

COMMENTS