ICTIRAAFNEWS.COM
Xukuumada Somaliland Waxaa Ila Haboon Inay Shareecada Islaamka Dalka Ku Xukunto Qalinkii GARYAQAAN MAXAMED SAALAX MIRRE
January 8, 2017 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Xukuumada Somaliland Waxaa Ila Haboon Inay Shareecada Islaamka Dalka Ku Xukunto Qalinkii GARYAQAAN MAXAMED SAALAX MIRRE

Waxaan Aaminsanahay in Somaliland Samaysan karto Dawladnimo Sharceeda Ku Dhisan laguna Xukumo Sharciga Wixii Ilahay Kitaabkisa Ku Sheegay iyo Dhaqanki Nabigeena SCW (Sunihi Nabiga ), Waxaynu Helaynaa Dawlad Awood Leh Oo lagu wadda Kalsoon yahay, Taas Oo laga Dheehanayo Cadaalad Suban, Maalmul Wanaag iyo Hogaamin Bulsho oo Tayo leh MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN LABADA AAYOOD QUR’AANKA KARIIMKA AH EE ILAHAY KU SHEEGAY QAABKA LAYSU GUURSANAYO IYO AAYADA SHEEGAYSA IN BULDHADU YEELATO DAWLAD SHARCI AH KU DHISAN NIDAAMKII ILAAHAY INOO SOO DEJIYEY ( Waa Maamul Dhisan Oo Qabaysan Oo Leh Awoodo iyo Kala Danbayn Sax ah SOMALILAND NIDAAMKA DAWLADNIMO EE KU DHISAN DIMUQRAADIYADA EE MABDA’A CALMAANIGA DHIBAATADA KOWAAD EE HAYSATA Somaliland Waxay Mudo 25-sanadood ah Raacdaynaa Aqoonsi ah in loo Aqoonsado Dawlad iyo Dal Xor ah oo leh Nidaam Dawladnimo Xukumad, Baarlamaan iyo Garsoor (State Democratic System) Nidaamkan Oo ay Sameeyeen Siyaasiyiinta Reer Galbeedka Ee Mabda’oodu Yahay Calmaaniga Kuwaas oo Kasoo Horjeeda oo Diidan Eebihi Abuuray iyo Rasuulkiisi Waxaynu Ognahay In (Eebbe Swc) Uu Umaddiisa U Soo Dejiyey Diin Dhamaystiran Oo Qaybaha Nolosha Dhamaanteed Lagu Qeexay Siddi Loo Dabaqi lahaa, iyo Rasuul Scw Gaadhsiiyey Diinta Meelkasta Oo Dunida ka Mid ah lagana Dhaxlay Dhaqan iyo Dariiqooyinka Loo Maro Xalinta arimaha Bulshada Dhinac kasta, Horumarka, Maamulka Dawladnimo, Inkastoo Ay Burburtay Khilaadi uu ka Tegay, Waxase Aynu Haysanaa Nidaamkii Dawladnimo Qoraal ah iyo Culimo aqoon Fiican leh oo Turjumaysa Waxaa Caddaan ah In ilaahay Qur’aankisa Koreeya Ku Sheegay In Umadda Muslimka ah Ay Ku Waajibtahay in adeecaan ilahay iyo Rasuulkisa, Inay Cabudaan ilahay Habeen iyo maalin, ( iyagoo Gudanaaya Wixii ilahay u Abuuray Iyo Inay Samaystaan Hogaan Bulsho (Dawlad Metelaysa Bulshadeeda Oo Islaam ah Kuna Xukumaysa Wixii Ilahay Kitaabkisa ku Sheegay ee samadda kasoo Degay, Haddi Aydaan Isku Xukumin Waxaad Noqonaysaan Kaafiriin) Haddaba Waxaa Is Waydiin leh Maxaa Inoo diiday madaama aynu Nahay Dad islaam ah Inaynu samaysano Dawlad Islaam ah Oo Bulshada Ku Xukumaysa Wixii ilahay Kitaabkisa Qur’aanka Kariimka ah ku Sheegay, waxaa U Fiirsi u Baahan Waxaynu Ognahay Haddi Aynu Guur Samaynayno Waxaa Waajib ah inaynu isku Guursano Shareecada Islaamka Haddi Kale Guur maaha, Taasina waa Aayad Qur’aan, Dhinaca Miyaynaan Ogayn inay ilahay Qur’aankisa ku Sheegay Cidii aan Isku xukumin Wixii Kitaabkas Qur’aanka Ku sheegay Wax aan Ahayn Ay Yihiin Kaafiriin Maxay Ku Kala Duwan Yihiin labaad aayadood Haddi Bulshada Dhamaanteed Aqoonsato oo Laga Helo Iimaan sax Waxaynu Samaysan Karnaa Dawlad Islaam ah Oo Ku shaqaysa Siyaasatu Sharciya Oo Lagu Dabaqayo Wixii Ilahay Soo Dejiyey, Taasina Waxay Muujinaysa in Dhamaan Bulshada Somaliland yihiin Muslim Sunni Khaas ah Oo Iimaan Saadiq ah leh Waxaynu Suulinaynaa Dhibaatooyinka Reer Galbeedku inagu Hayaan Dhamaanteen Waxaan Rajaynayaa In Mar Qudha la Helo Dad Fahansan Shareecada Islaamka Oo Qaadacsan Nidaamka Calmaaniga

COMMENTS