ICTIRAAFNEWS.COM
Milicsiga Siyaasada Saddexda Xisbi Qaran Ee Sanadkii Tegay 2016 Halkan Ka Eeg Xisbiga Guulaha Gaadhay Iyo Xisbiga Ka Siibtay Saaxada Siyaasada Dalka
January 3, 2017 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Milicsiga Siyaasada Saddexda Xisbi Qaran Ee Sanadkii Tegay 2016 Halkan Ka Eeg Xisbiga Guulaha Gaadhay Iyo Xisbiga Ka Siibtay Saaxada Siyaasada Dalka

Image may contain: one or more people, people standing and text

Waxaanu warbixin ku eegaynaa siyaasada la taaban karo ee sanadkii tegay ay ku talaabsadeen saddexda xisbi qaran iyo guul darooyinka usoo hoyday sanadkaa

 

XISBI XAAKIMKA KULMIYE GUULIHII IYO KHASAARAHII UU LA KULMAY SANADKII TEGAY 2016

Xisbiga kulmiye hadaynu eegno guulihii uu ku talaabsaday sanadkii tegay waxaa usoo hoyday guulo taariikhi ah iyagoo gacanta kusoo dhigay siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasada dalka iyo taageerayaal badan oo kazoo diga rogtay xisbiyada kale ee qaranka

Hadaynu wax ka taatabano siyaasiyiinta muga weyn ku leh ee kusoo biiray xisbi xaakimka kulmiye waxaa kow ka ah musharaxii madaxweyne ee xisbi qaranka UCID oo inbadan khilaaf soconayey go’aan saday inuu ka tago xisbiga ucid kuna biyo shubto xisbi xaakimka kulmiye oo uu u arkayey inuu yahay xisbiga keliya eek u haboon siyaasada uu hiigsanayo

Xisbi xaakimka kulmiye wuxuu shacbiyad balaadhan ku helay sida baaxada leh ee siyaasiyiinta ku bahoobay xisbigan ay ugu heelanyihiin soo jiidashada shacabka kana shaqaynayaan danaha guud ee dalka iyagoo ku suntan sida hagar ka’aanta ah ee ay uga qayb qaateen gurmadka buuxa ee aabaaraha dalka hadheeyey

Sidaa Daraadeed Gobolada Dalka Oo La eegayey qaababka loogu kala guulaysto siyaasada ayuu xisbi xaakimka kulmiye noqday xisbiga taageeraha ugu badan kuleh isagoo hanti ahaan u haysta gobolada MAROODI-JEEX, TOGDHEER, SAAXIL ,GABILEY SARAAR, SOOL, BUUHOODLE, SANAAG GALBEED, SAYLAC, HAWD,

Waxaan filayaa in xisbi xaakimka kulmiye wax guul daro ah oo la taaban karo oo sanadkaa soo gaadhay Aanay jirin

 

XISBIGA WADANI GUULIHII IYO KHASAARIHII USOO HOYDAY SANADKII 2016

Xisbiga wadani sanadkii tegay wuxuu u noqon doonaa sanad taariikhda u geli doona sababtoo ah wuxuu la kulmay guulo waaweyn iyo khasaare dhabar jab ah oo niyadiisa kasii bixi la’

Ugu horayn xisbiga wadani wuxuu guul taariikhi ah ku qortay inuu gacanta kusoo dhigay xubno muhiim ka ahaa xisbi xaakimka kulmiye sida xirsi maxamed biixi iyo xulafadii ay hor kacayeen xubnahaas oo ah xubno miisaan culus kulahaa siyaasadeena

Sidoo kalena wuxuu xisbiga dedaalkii guulaha bilowga ah uu kaga dhigay ugu horayn in uu xubnihii xisbiga dhidibada u taagay oo ay is hayeen xubnihii kusoo biiray kuwaas oo uu ugu horeeyo rug cadaagii weynaa ee boobe yuusuf ducaale oo siyaasada wadani hormuud ka ahaa waxaa kaloo xisbiga wadani debada isaga tuuray xubnihii xisbiga hiil iyo hooba la garabtaagnaa inuu gadho xisbi qarana juhdi fara badan geliyey xubnahaas oo ay ugu horeeyo gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee xisbga axmed muumin seed

  waxaa kaloo jirta in ay guushii uu ku hantiyey xubnihii kulmiye ay u noqotay guul daro lama filaan ah iyadoo wacyiga jiraa tilmaamayo inay ahaayeen niman dalka denbi ka galay oo caruur iyo ciroolaba uu ka dheregsan yahay inay ujeedkooda ahaa sidii ay u dumin lahaayeen qaranka Somaliland inqilaab dhagaraysana u geysan lahaayeen iyadoo ay manta gaadhsiiyeen inuu xisbigu gebi ahaanba ka dhinto shacabka Somaliland sababtoo ah waxaa calaamad u noqotay oo shacabka uga dhex muuqday inuu xisbigu ka shaqaynayo danaha dalka Somalia iyadoo xisbigu ilaaway in doonitaanka shacabku yahay kala fogaansho siyaasadeed Oo Aynu Ka Fogaano Siyaasada Somalia niyadooda kasii guuxayso xasuuqii ba’naa ee Somalia u geysatay shacabka Somaliland

 

XISBIGA UCID GUULIIHII IYO KHASAARIHII USOO HOYDAY SANADKII 2016

 

Xisbiga ucid wuxuu ku caanbaxay siyaasad degaanan ah ilaa laga gaadho wakhtiga doorashadu soo dhowdahay oo uu muujiyo kaambayn buuxa oo uu kula tartamo xisbiyada kale ee qaran

Waxaa sanadkii tegay xisbiga hadhaysay khilaaf ba’an oo ka dhex guuxayey madaxda sare ee xisbigaas gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga faysal cali waraabe iyo aqoon yahan Jamaal cali xuseen oo labaduba isku haystay midka noqonaya musharaxa xisbigaas

Mudo kadib waxaa sal dhigatay siyaasada xisbigaas kadib markii uu gudoomiye faysal cali waraabe ku guulaystay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbigaa doorashada soo socota aqoon yahayn Jamaal cali xuseena uu gebi ahaanba iskaga baxay xisbigaas

 

 

 

COMMENTS