ICTIRAAFNEWS.COM
Halkan Ka Eeg War-Bixin Iftiiminaysa Xaalada Guud Ee Degmada Hodanka Ah GUDMO BIYO-CAS Ee Gobolka Sanaag
December 13, 2016 - Written by Waxaa Qoray > Shaqaalaha Ictiraaf News

Degmada Gudmo-Biyo-Cas  waa degmo ka tirsan degmooyinka gobalka Sanaag. Waa degmo kamida degmooyinkii  Madaxwaynaa Qaran S/land Axmed Siilanyo magacaabay , taasoo micneheedu yahay  Gudmo waa degmo qaadank karta derejada “D” waxay yeelanaysaa Maamul kumeel gaadha , Waxayna xaq u leedahay adeegyada aas aasiga ah ee degmo,

Waa degmo baaxad weyn oo  leh dhul daaqsimeed aad u balaadhan oo ku kala fidsan guban, oogo, iyo Xeeb, Waxaa degmeda cududeeda dhaqaaale Yahay:

  1. Beeyada (Maydi, Moxor iyo Malmal
  2. Xoolaha Nool (Geela, Adhiga, lo’da, iyo Dameeraha) iyo Xayawaanada duur JoogtaAh
  3. Beeraha: (Waxaa Kasoo Baxa Noocyada Kala Duwan Ee Khudrada
  4. Kaluunka, (Waxay Xukuntaa Xeeb Aad u Dheer oo Ku Fiican in Dekedo iyo Marsooyin laga Sameeyo, Waxaana Laga Iib-Geeya Kaluun Badan
  5. Waxay kale Oo Hodon Ku Tahay Dhulka Dalxiiska Ah Ee Indhaha u Wacan

Labadii sanno ee ugu danbeeyey waxaa degmeda seegay fursad aad qaali u ah oo ah furitaanka xoolaha la dhoofiyo. Inkastoo sannadkan dadku aad uga faa’iidaysteen moosimkii xajka, haddana maamulka degmedu ma uu qaadin wax cashuur ah.

Waxaa jirta In yadadiiladdi soo yaraanaysa oo maamulka degmedu iyo dadwaynuhuba ka qabaan xukuumadda cusub ee Kulmiye ee reer Gudmo Biyo Casu soo halgameen.

Kulan aanu la yeelanay Guddoomiyaha Degmada iyo Maamulka Kale waxay noo caddeeyeen inay diyaar u yihiin dhisidda maamulka degmeda, maadaama oo  waa cusubi u baryay dhamaanba bulsha waynta Somaliland.

WADOOYINKA DEGAANKA

Degaanka Hoostaga Degmada Gudmo Biyo Cas Waxay Leeyihiin Wadooyin Fara Badan Oo Uu Baahan Dayac-tir Kuwaaso Bulshada Ay Ka Soo Gaadhaan Dhibaatooyin Badan, Waxaa u Baahan In Wax Laga Qabto, Waddada Ugu Dheer U Dhaxaysa Degmada Gudmo Biyo Cas iyo Magaalo Madaxda Ceerigaabo wadadaas oo Layidhaado Hart-Yimi, Waa Dariiq Dheer 91Km Ah, Wuxuuna Maraa Buuro Waaweyn iyo Dalcado Dhaadheer

Khayraadka Dabiiciga ah ee Degmadda Hodonka ku Tahay iyo Waxsoo saarkooda :

Degmadani Waxay Leedahay Degaan Aad u Qurxoon Kuna Wanaagsan Dalxiiska, Waxaana Goor kasta Soo Booqda Dalxiisayaal iyo Booqdayaal, Wadaniya iyo Kuwa Calamiya, Waxayna U Baahan Tahay Inla Daryeelo, oo la Ilaaliyo Goobahaas Dalxiiska, Loona Sameeyo Ilaaliyaaal u Gaara, si Aanay U Dabar-go’in, Waxay Kale Degmadu Hodon ku TAhay Khayraadka Dabeeciga Ah, Waxsoo Saarka Dhaqaalaha, kuwaaso Bulshadu Kaga Faa’idaystaan Intii Karaankooda Ah, Balse u Baahan Daryeel, Dhinacyada Aqoonta, Tababarida, Qalabka iyo inlagu Dhiirigeliyo Bulshada Inay la soo Baxaan khayraadkaas Noocyadiisa Kala Duwan, Waxaana Ka Mid Ah:

  • Beeyada, Waxaa Ku Yaala Noocyada Kala Duwan Ee Beeyadu u Qaybsanto, Sida Maydi, Moxor, Mal-mal iyo Noocyada Kale Fookha, Waxaase Aan Jirin ilaalinta Beeyada oo Ay Keento Aqoon La’aan Bulshada Aanay Ogayn Dhibta ka Imanaysa, Cilmi Yaraan Ku Saabsan Sida Ugu Fiican Ee Looga Heli Karo Dhaqaale Intan ka Badan Geedkan Beeyada
  • Beero, Waxay Leedahay Beero aad U Badan, Laakin Badankooda Waxaa Hakiyey Wax Soo saarkooda, Caqabado Ah Qalab La’aan, Siidh la’aan iyadoo Dawladu Haba Yaraate Aanay Ka Taageerin Arimahaa iyo Tababarna Aanay Siinay, Waxaase Laga Soo Saara Khudrad Fara Badan Sida, Baradhada, Xabxabka, Kaabashka, Basasha, Tamaanada, Saladhka, Toonta, Geed Udgoonka Cuntada,Galayda, Kaaroodka, Baad-ruulka, Basbaaska, Hadhuudhka iwm, Qaar Kale Way Ka bixi Karaan Laakiin Siidhkooda Ayaanay Hayn iyo Midhaha Dhir Waynta Sida liinta, Saytuunka, iyo Canbaha,Farsuuga,

Waxsoo Saarkan Beeraha Waxaa Ragaadiyey Dhibato Ay Sababaan Aqoon La’aan, iyo Caqabado Ay Ka Mid Yihiin  Khudrada Gobolka Kaga Timaada Dalalka Deriska, Kuwaaso loo Baahan Yahay Dalka Guud Ahaan In Dawladu Joojiso, Si Khayraadka Beeraha Bulshadu ulaSoo Baxaan

  • Xoolaha Nool, Dadka Degaankan Ku Nool Badankoodu Waa Xoolaysato, Waxaana Degaanku Hodon Ku Yahay Xoolo Dhaqashada Sida Adhiga (Riyaha iyo Idaha), Geela, Lo’da iyo Dameeraha, iyo
  • Biyaha, Degaankan Ay Xukunto Degmadu Waxay Hodon Ku Yihiin Noocyada kala Duwan Ee Biyaha,, Qadhaadh, iyo Macaan, Waxaana Togkasta Qul-qulaya Biyo, Kuwaas Oo Aanay Bulshadu Ka Faa’idaysan Duruufo Badan Dartood, Aqoon La’aan Ka Haysata Faa’ido La’aanta Biyaha iyo Inta Fahansan Oo Aan Awoodi Karin Sababo qalab La’aan Dartood
  • Cawda iyo Maydhada: Noocyada Kale laga Ganacsado Sida, Cawda Oo Loo Dhoofiyo Dalalka Debeda Badankeeda, Maydhada Oo Bulshadu Siyaabo Kala Duwan u Isticaamlo Dalka iyo Debadiisaba La Gaadhsiiyo

WAxaa Jira Khayraad Dabeeci Ah iyo Wax Soo Saarka Kale Oo Degaanka Laga Helo, Balse Waqtigu Aanu Noo Saamixin Haatan

 

 

Waxbarashada Degmadda

Hordhac

Degmadda Gudmo Biyo Cas waxay ka mid tahay Shan iyo tobanka degmo ee laga codeeyo xiliga doorashooyinka, Waa degmo ku taala galbeedka gobalka Sanaag, Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhaqan degmada Kuwa Is Diwaangeliyey iyo Kuwa Aan Isdiwaan Gelin 8,330-kun Qof  .

Dugsiga Hoose/Dhexe degaanka Gudmo-Biyo-cas

Degmadda Gudmo Biyo Cas  waxaa ku yaala Saddex Magaalo Waxay Leeuihiin Saddex dugsi hoose/dhexe oo kala ah

  1. Gudmo Biyo Cas Hal Dugsi Hoose/Dhexe Dawli ah
  2. Daryale Hal Dugsi Hoose/dhexe Dawli Ah
  3. Uur-weyn Hal Dugsi Hoose/dhexe Private Ah (Waxaa Dhisay Shirkada Asli Maydi

Sideedan Magaalo Ma Laha Dugsiyo Waxbarasho  oo Ka Dhisan, War-bixintooda Oo Faah-faahsan Waxaanu Kusoo Koobnay:-

  1. CILAAMO:- Ma Leh Dugsi Waxbarasho Oo Dhisan Laakin Waxay Ardaydu Wax Ku Dhigtaan Geed Hoostii, Guri Cariish Ah Ayey Wax Ku Dhigan Jireen Waa Dumay, Waxaana Ku Qoran Hal Macalin Laakin Isna Waa Dhintay AHN Marxuum Qudhac Maxamed Garaase
  2. KAMUUDA:- Ma Leh Dugsi Ah Barasho, WAxayna Ardaydu Wax ku Dhigan Jireen geed Hoostii, Waxaa Ku Qorna hal Macalin Isna Waa Dhintay AHN Marxuum Axmed Nuur Saalax
  3. RUGUUDA: Ma Leh Dugsi Waxbarasho Oo Dhisan, Waxay Leedahay Hal-Macalin Keyse Ismaaciil Axmed, wuxuuna Wax Ugu Dhigaa Ardayda Cariish Shacabku Leeyihiin, Waa Magaalo xeebeed Laga Keeno Beeyada, Kaluunka iyo Cawda
  4. SHALCAW: Ma Leh Dugsi Waxbarasho Oo Dhisan, Waxaa ku Qoran hal Macalin Gacan Cabdi Madax, wuxuuna Ardayda Wax Ugu Dhiga Geed Hoostii, Waana Magaalo Xeebeed, Waxaa Kasoo Baxaan Beeyada, Kaluunka iyo beeraha
  5. DHOOBO, Ma leh Dugsi Waxbarasho Oo Dhisan iyo Macalin Midna Waana Magaalo Xeebeed Inkastoo Dhawaan La Aas-aasay Degitaankeeda Balse Waxaa Degan Qoysas Badan
  6. ILAD=DUGBAX:- Ma Leh Dugsi Waxbarasho Oo Dhisan, Waxaa ku Qoran Hal Macalin Wuxuuna Ardayda Wax Ugu Dhigaa Cariish, Waxayse Leedahay Malcaamad Uu Dhisay Nin Shacab Ah
  7. SUUDHO;- Ma Leh Dugsi Waxbarasho iyo Macalimiin Midna, Waa Tuulo Ku Dhaw Magaalada Gudmo Biyo Cas Waxaa Degan Qoysas Badan WAxay u Baahatay Inloo Sameeyo Dugsi Waxbarasho Madaama Aanay Gaadhi Karin Caruurtu Magaalada Gudmo
  8. DARIS:- Waxaa Ka Dhisan Max’ad Boodhan Ah, Waxaa Dhisay Shacabka, Balse Ma Leh Dugsi Waxbarasho iyo Macalimiin Dawli Ah Midna,

Warbixintan waxaan ku eegi doonaa xaaladda waxbarasho ee dugsiyadaa kor ku xusan marka laga reebo Dugsiga Fadhigaab oo waqtiga oo aad noogu yaraa aanaan soo eegin. Warbixintu waxa qaab dhismeedkeedu yahay soo bandhigida xogta dugsiyadda, cabashooyinka iyo talo bixinta adeegeyaasha iyo talo bixino.

Dugsiyadda Hoose Dhexe

Dugsiga Hoose/Dhexe Godmo-Biyo-Cas

Dugsiga hoose/dhexe ee Godmo-biyacas, waa dugsiga ugu wayn degmeda waxaa dhigta ardayda ugu badan degmeda. Dugsigu waxaa dhigata ardayda fasalka koowaad ilaa sideedaad. Waxaanu kulan la yeelanay maamulaha dugsiga  Cali Aaadan Aw-Cilmi iyo macalimiintiisa subaxnimadii maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay Sepembar 18, 2016. Waxay noo sheegeen in talogalay inay fasalkiiba fadhiistaan 45 arday, laakiin iminka fasalka ugu yar waxaa fadhiista 68 arday. Laba fasal oo ka mida dugsigu ma laha kuraas iyo miisas (tiradda ardayda). Waxaa dugsiga wax ka dhiga 5 macalin, 2 macalin waa mutadawaciin,

Dugsigu malaha computer, imitixaanadda waxay macalimiintu ku qoraan sabuuradda ardaydana marka qoraalka la dhameeyo ayaa loo ogolaadaa inay qaataan. Buugaagta manaahijta waxaa dugsiga siiya wasaaradda waxbarashada. Ardaydu ma helaan buug ay ka tixraacaan duruustooda.  Dugsigu ma laha maktabad.

Xogta Dugsiyada

Magaca Dugsiga Tirada Macalimiinta Tirada Macal. Shaqeeya Tiradda Ardayda Tiradda Fasaladda *SAM *SAF
Gudmo Biyo Cas 5 10 250 5 42:1 42:1
Daryale 1 1 155 3 31:1 78:1
Shalcaw 1 1 20 Ma leh 26:1 37:1
Ilad-dugbax 1 1 40 Ma leh 12:1 31:1
Uur-weynl 1 1 80 3
Kamuuda Ma leh Ma leh Hore 40 Ma leh    
Suudho Ma leh Ma leh Helis 30 maleh    
Daris Ma leh Ma leh Helis 25 Ma leh    
Dhoobo Ma leh Ma leh Helis10 Ma leh    
Ruguuda 1 1 50 Ma leh    
Qoray Ma leh Ma leh Helis 20 Ma leh    
Cilaamo Ma leh Ma leh Hore40 Ma leh    
Sodonlay Ma leh Ma leh Helis      

 

 

Cabashooyinka Dugsiyadda Hoose/Dhexe

Dhamaan dugsiyadda hoose/dhexe ee degmada Oo Ah Saddex dugsi Waxay Ku Cabanayaan:

  • Dugsiga Hoose/dhexe Degmada Gudmo Biyo Cas, Daryale, Uur-weyn Waxay Ku Cabanayaan, Fasalada Oo ku Yar,
  • Biyo la’aan, Laydh la’aan, Qalabka waxbarashada, sida kuraasta, miisaska iyo sabuuradaha oo aan ku filnayn ama ka maqan
  • Macalimiinta oo aan Qaar ka Mid Ah ka diiwaan gashanayn wasaaradda waxbarashada mushahar Ahna Aanay Qaadan
  • Ma helaan buugta manaahijta,Ma laha goob quudin
  • Dugsiyada tuulooyinku waxay khatar ugu jiraan inay xidhmaan Kuwa Aan dhismaha Lahayn, hadii aan la helin Dhaqaale Lagu Dhiso, iyo Kuwa Dhisan Oo Duruufo Adag Haystaan Kuwaas Suurto-gelin Waaya Geediga Waxbarasho Ee Degaanka
  • Xidhiidhka dugsiyadda tuulooyinka iyo degmeda oo aan jirin ama aad u liita. Hordhac

Guud ahaan degmada Gudmo Biyo Cas waxa hoostaga tuulooyin badan waxayna maamushaa deegaan balaadhan oo u badan xoolo dhaqato, Beeyaysato iyo Beeralay

Xaalada Caafimaad Ee Degaanka

 

Hadaan si gaara uga warano  dhinaca caafimaadka aad ayay u hoosaysa marka la barbar dhigo Degmooyinka kale ee Somaliland, Degmadu waxay leedahay Hal MCH oo ku yaala magaalada Gudmo Biyo Cas, Degmada Gudmo Biyo Cas intii ka danbaysay dagaaladii sokeeye iyo burburkii dawladii siyaad bare Waxay ku reebeen xaalad caafimaad daro oo aad u xun, Mana Helin Daryeelka Caafimaad Ee Bixiyso Dawlada Somaliland

MCH ka Magalada Gudmo Biyo Cas  wuxuu shaqadiisa Bilaabay sanadkii 2013. Markaas oo uu wax wayn ka bedelay baahida caafimaad ee magalada isagoo kor u qaaday caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka deegaanka,

Bukaan Socodka iyo Meelaha ay Kakala Yimaadaan.

  • Tirada dadka bukaansocodka ah waxay u dhaxaysaa 40 ilaa 45 maalintiibaa waxay na lakorodhaa hadba dawada taala cisbitaalka
  • Dadku waxay ka kala yimaadaan deegaamada hoosyimaada degmada iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw

Cudurada ugu Badan ee ku Dhaca Dadka Deegaanka

  • Shubanka
  • Xanuun ku dhaca kaadi mareenka
  • Gaasteriga
  • Nafaqadarada siiba caruurta
  • Duumada ama kaneecada
  • Dhiig karka
  • Xanuunada ku dhaca haweenka uurka leh sida (pre-eclampsia,eclampsia).
  • Oofka
  • Kuwa ciridka
  • Hargabka
  • TB_da
  • Dhaawacyada Culus

Talaalka Caruurta degaanka

Talaalku waxa uu uga yimaada dhinaca gobolka(ceerigaabo ) waxaana fuliya shaqaale Ka Yimaada Gobolka iyo Qaar Degaanka Ah, Dadka deegaanka kuna Nool caruurtooda si fiican bay u talaalaan taaso ay amaan gaara ugu soo jeedisay wasaarada caafimaadku

Goobaha Caafimaad ee Kale ee Degmada

Degmadu ma Laha Goobo Caafimaad oo Kale, taaso Baahi wayni U Hayso

Tabashada Caafimaaka ee Degmada

  1. MCH
  • Laydh La’aan
  • Gaadid la’aan
  • Isgadhsiin la’aan
  • Biyo joogto Ah Oo Aanu Lahayn
  • Dhisme lagu kordhiyo (waadhadh)
  • Dhakhaatiir Badan
  • Tababaro caafimaad
  • Wiiljeer iyo tarooli
  • Mushahar iyo gunooyin joogto ah la Siiyo Shaqaalaha
  • Sariirihii ay ku dhalayeen dumarka (2am3xabo)

Talo Bixin

Talo Bixinta Waxbarashada iyo Degmeda

Waxay ka  Qabsan Karaan Reer Gudmo Biyo Cas dhinaca Waxbarashada

  • Samaynta guddi waxbarasho oo ka kooban dhamaan dugsiyada degmada, si ay si joogta ah uga war hayaan baahiyaha
  • In la Sameeyo isuduwaha Wasaarada Waxbarashada degmada Gudmo Biyo Cas, kaaso Isku xidha Doona wasaaradda waxbarashadda heer gobal iyo heer Degaanka Degmada Xukunto isaga oo metelaya dhamaan iskuulada degmada Isagoo aan xooga saarayn oo qudha dugsiyada magaaladda Gudmo Biyo Cas
  • In la wacyi galiyo dadka deegaanka si ay ugu midoobaan tayaynta waxbarashada ubadkooda iyo caawimada macalimiintoodaba
  • In la sameeyo gudi sako oo sakada ka soo uruuriya guud ahaan degmeda iyada oo loo isticmaalayo kicinta dugsiyada, joogtaynta dugsiyada (sustainability), abuurida dugsiyada, qalabaynta masaajidada, kaabida caafimaadka, iyo kaalmada masaakiinta sida ugu macquulsan, Taaso u Baahan Inlagu Dhiiri-geliyo Bulshada Lana Fahmin Siinyo Faa’idooda
  • In la bilaabo adeega cashuur ururinta degmada ee heer walba, taasoo lagu caawinayo dugsiyada hoose dhexe; sida uu dhigayo xeerka Gobalada iyo degmooyinka (X/No. 23) Qodobka 68, (F8) Qaybta D,  Maaamulka Degmadu  waxay masuul ka yihiin dibu dhisida, iyo maaraynta dugsiyadda hoose/dhexe, malcaamadaha iyo masaajidada.
  • Inay dadka deegaanku, iyaga oo ay hor kacayaan maamulku, soo dhoweeyaan cid kasta oo mashruuc horumarineed wadda, iyadoo aan danta shaqsiyeed laga horumarinayn danta guud, Lana Cidhib Tiro Qalalaasaha Keena In Degaanka Harumarintiisa Laga Shaqeeyo,
  • In la sameeyo Gudiga Dhaqaalaha Horumarinta Degmeda oo ay hor kacayaan Maamulka Degmadu, Gudigaas oo dastuuri ah kuna cad Xeerka Gobaladda iyo Degmooyinka (X/NO.23), Iyadoo talo soo jeedintu tahay inay ka koobnaadaan xubno ka tirsan Maamulka Degmada iyo cid kasta oo kale oo ka qayb qaadanaysa horumarinta degmedda.
  • Dhisidda maamulka dawladda hoose, waaxaheeda, qaabdhismeedka iyo nidaamka qorshaynta, Marka dhidibada Loo Taago xafiisyadooda loo Sameeyo Dawlada Hoose Si Maamulku U Kutaan Shaqadooda, Lana dardar-geliyo In Maamulka Si degdeg Shaqadooda u Bilaaban Madaama Muddadaas Degmadu Magacawnayd Aanay Weli Bilaabin Qaybihi Ugu Muhiimsanaa Waajibaadkoda Shaqo Ah

Waxyaabaha lala Qaban Karo Degmadda

  • In la isku dayo in laga shaqaaleysiiyo wasaaradda waxbarashadda iyo hay’adda shaqaalaha, dhamaan macalimiinta iskuuladda Degmada Gudmo Biyo Cas, Si ay u helaan mushahar joogto ah.
  • In loo dhamaystiro dugsiyadda degmedda adeegyada aasaasiga ah sida qalabka waxbarashada (kuraasta, miisaska, sabuuradaha iyo agabka kale), Saddexda tuulo Ee Ay U Dhisan yihiin Iskuuladu Kuwaaso Caqabad Wayni Ka Hayso Qalabyadaas ka Maqan
  • In Dugsiyo Waxbarasho Loo Sameeyo, Tuulooyinka Aan Lahayn Dugsiyada Waxbarashada oo Kala, Ilad-dugax, Suudho, Daris, Shalcaw, Cilaamo, Kamuuda Ruguuda, Sodonlay, iyo Dhoobo, Kuwaaso Dhamaantood Ardaydu Wax Ku Bartaan Geed Hoosti Ama Cariish, Qaar Ka Mid Ahina Aanayba Lahayn macalimiin Ama Ay Ka Dhinteen, ama Aan Loo Samaynba
  • In dugsiyada loo sameeyo adeegyada kaabeyaasha Nadaafada suuliyadda, biyaha, laydhka,
  • In magaalo walba iyo meel walba cid masuul looga dhigo samaynta sanduuq caawimo (contribution box) kaasoo ka caawinaya in dugsiyada liita marba lagu kabo
  • In aan xooga la saarin oo kaliya dugsiyada magaalada Gudmo Biyo Cas , iyagana si lamida la isaga xil saaro dugsiyada tuulooyinka Kale
  • In macalimiinta loo sameeyo ilo dhaqaale sida – beero yar yar oo ay ka shaqaystaan xiliga aanay wax dhigayn, ama ilo kale oo dhaqaale si loo yareeyo ku tiirsanaanta Mushaharkooda oo Kaliya, Balse Ay Helaan qaadhaanka Bulshada, Mucaawinoyinka Calamiga Ah, Saamiyada Sanduuqyada Harumarineed Ee Dawlada
  • In la raadiyo ilo dhaqaale oo kale sida hay’adaha caawiya waxbarashada,iyo Sanduuqyada Dawlada , Kuwaaso Abuuri Kara Samaynta Dugsiyo Waxbarasho,
  • In la raadiyo hay’adaha sameeya xarumaha quudinta (feeding centers) oo looga sameeyo dhamaan dugsiyada hoose dhexe ee degmeda – waxay muhiim u tahay joogidda caruurta iyo daryeelka macalimiinta, In Ardayda Kasoo Hayaamaya Dugsiyada Degaanku Ku Hakadaan Inay Wax ku Bartaan Degaankooda,
  • In degmedda loo raadiyo samaynta dugsi boodhin ah (Boarding School) oo ka kooban dugsi hoose dhexe ilaa dugsi sare, si kor loogu qaado tirada ardayda wax ka barata degmada iyo tayadoodaba, iyo Boodhanada Kale Ee Culuumta Shareecada Islaamka, Si Bulshada uga Baxdo Kalifaada KuTimaada Qoysaska Doonaya in Caruurtoodu Waxbartaan Kuwaaso Dantu Ku Qasabto Inay Usoo Diraan Magaalooyinka iyo Gobolada Somaliland, Madaama Xagkasta Ay Hoosayso Waxbarashadu Degaanku
  • In Tababar loo fidiyo maamulka degmada ku saabsan shuruucda Maamulka degmada Ee maamulka suuban, qorshaynta, Ilaha Waxsoo Saarka Degmada, Si miisaaniyadda Usoo baxdo, Madaama Degaanka Degmadu Xukunto Aysoo Baxaan Dhaqaale Fara-badan Oo Laga Cashuuro Meelo, Si Degmaddu U Muuqato Dhaqaalaheedu, Dawladduna Kaga Kaabto Baahiyaha Aas-aasiga Ah Ee Bulshadda, Taas Oo Aanay Suurtogelin Muddadii Degmaddu Magacawnayd arimo Farsamo Darteed
  • In loo raadiyo dugsiyada Dhisan  istoodho, iyo xayndaab deyr ah.

Talo Bixinta Caafimaadka

Talo Bixin Guud

 

  1. In Loo  dhiso Cisbitaal Guud Degmada Gudmo Biyo Cas wuxuu Wax Ka taraya Dhibaatada Caafimaad Daro Ee Ka Jira CDegaanka, Fulinta Gar-gaarka Deg-dega Ah, Shaybaadka, Kuwaaso Dhibaato Wayni ka Soo Gaadho dadka Degaankaas Degan, Oo Cusbitaal La’aantu kalifto In Inta Ceerigaabo Bukaanka Lagu Soo Sido Uu u Dhinto Gar-gaar La’aan, Waana inuu Yeesho, dhismayaal Badan si uu  u buuxiyo baahiyaha jira. Waxana kamida
  • Hal waadh oo raga ladhigo
  • Halwaadh oo dumarka la dhigo iyo
  • Hal waadh oo caruurta la dhigo.
  • Waxa kale oo u baahan yahay qol oo waash maanku seexdo.

 

  1. Dhinaca qalabka MCH waxaa uu u baahan yahay
  • sariiraha lagu qaado dadka aadka u xanuunsanaya iyo kuwa jilicsan ee aan socon Karin,
  • In la kordhiyo sariiraha dhalmada ee hooyoyinka lagaga dhaliyo (labo ama sadex laga dhigo).
  1. Dhinaca shaybaadhka. In la helo qof shabaadhka khibrad u leh shaybaadhka
  2.  Shaqaalaha.
  • Shaqaaluhu waxay u baahan yihiin inay helaan guno ama mushahar,
  • waxa kale oo ay u baahan yihiin tababaro joogto ah si kor loogu qaado aqoontooda ,
  1.  Malaha dhakhaatiir si joogto ah uga shaqaysa markaas wuxuu u baahan yahay dhakhaatiir.
  2. MCH malah gaadiid uu ku shaqeeyo markaas wuxuu u baahan yahay gaadiid uu ku shaqeeyo si uu ugu adeego dadka bukaanka ah ee ka fog qoobta caafimaaka.
  3. Dhinaca biyaha. In laga kaabo Oo Loo Sameeyo Biyo gelin Nadiif ah
  4. Dhinaca isgaadhsiinta MCH malaha telephone u gaara oo lagala xiriiro shaqaalaha cisbitaalka siaa daraaded  waa in laga cod sado shirkadaha isgaadhsiinta inay galiyaan Telphonka land line ka
  5. Cisbitaalku malaha laydh joogto ah oo habeen iyo maalin shaqeeya. Waa  inuu cisbitaalku helo laydh joogto
  6. In dadka laga qaado lacag yar oo ay iska bixin karaan.sida
  • Qaybta Bukaan Socodka (Oout Patient Department – OPD)
  • Dawooyinka
  • Shaybaadhka

Talo bixinta Degmada Guud ahaan

Talo Bixinta Degmaddu Guud Ahaan Waxaa Nooga Muuqday

In bulshada ku nool Degmada laga wacyi galiyo nadaafada iyo faya dhawrka tusaale ahaan

  • qashinka in laga aruuriyo magaaalooyinka
  • in la hagaajiyo oo neefkasta oo magaalooyinka lagu qalo kawaanka
  • in togaga laga fogeeyo Qashinka

 Tuulooyinka

Dhamaan tuulooyinka aanu soo aragnay malaha goobo caafimad marka laga reebo Magaalada Gudmo Biyo Cas  oo leh Hal MCH, Balse Dhamaan Kuwa Kale Waxay u baahan yihiin in loo sameeyo Rugo Caafimaad (Heatlh Posts)

Waxay Qabsan Karan Dadka Reer Gudmo Biyo Cas Xaga Caafimaadka

  • xoojinta  shaqaalaha MCH, Dhinackasta Ay awoodu Bulshadu
  • Ururinta qashinka magaalooyinka
  • Habaynta xero dhiigyada
  • In bukaanka laga qado lacag adeeg fulineed kuwa iska bixinkara
  • In MCH ay ka taageeraan biyaha, isgaadhsiinta
  • Inay ku tabarucaan xoogoda iyo xirfadahooda shaqo si iskaa wax u qabso ah

Waxyaabaha  Lala Qaban Karo Xaga caafimaadka

  • In la Sameeyo Cisbitaal guud Degmada loona Sameeyo Qayb aha Daruuriga Ah ee Cisbitaalka, Madaama Bulshada Degaanka Ku Teetsani Ay Badan yihiin
  • In tababar la siiyo shaqaalaha MCH
  • In loo helo dhakhaatiir
  • In loo helo Gaadiid MCH
  • In tuulooyinka degmada loo sameeyo rug Caafimaad
  • In loo helo sariiro ay ku umulaan Hooyooyinku, Sariir Cago leh oo lagu riixo bukaanka iyo kursi cago leh (Wheelchair and Taroli)

 

waxyaabaha daruuriga ah ee u baahan in si deg-deg ah waxlooga qabto

Degmadda Guud Ahaan Waxaa Jira Waxyaabo U Baahan In Si Deg-deg Ah Wax looga Qabto

  • Magaalo Madaxda Degmada Gudmo Biyo Cas:- Magaaladani Waa Magaalo Madaxdii Degmada Waxay U Baahan Tahay In Arimahan Sii Degdeg Ah Loo Sameyo”
  1. In la Dhiso Dhamaan Xafiisyaddi Maamulka Degmada, Si Maamulku U Gutaan Waajibaadkooda Shaqo Ee Bulshada u Hayeen
  2. Inla Dhiso Guri ku Haboon Martida, Madaama Uu Hada Dhisan Yahay Qol Yar Oo Lagu Magacaabo Guriga Martida, Si Madaxda Dawlada iyo Marti Kastaba Loogu soo Dhaweeyo,
  3. Inla Dhiso Saldhigii Booliska Degmadda, Si Bulshada Ay u Sugnaato Nabadgelyadeedu Alle ka Sokow, WAayo Boolisku Waa Astaamaha Dawladnimo Ee Bulshadu ku Aqoonsato In Maamul iyo Kala Danbayni Jirto, Waxaa Jooga Koox Boolis Ah Kuwaaso Shaqadoodi Ay Xanibto Saldhig La’aan, Bulshaduna Ay Tahay Reer Baadiye Oo Aanay U Aqoonsanaynba Ciidan
  4. In Degmaddu Hesho Cisbitaal Guud Si Loo Helo Daryeel Caafimaad Intii Suurtogal Ah, Si Bulshadu Uga Hesho Gar-gaar Caafimaad, loona Dhiso Cusbitaal Leh Qaybaha Daruuriga Ah iyo Qalabkiisa
  5. Inla Sameeyo Xarun Kastam, Si Loo Cashuuro waxsoo Saarka Badan Ee degmada, madaama Degaanku Yahay Mid Ay Kasoo Baxaan Dhaqaale Farabadan Oo Laga Cashuuro Meelo Kale
  6. Inla Daryeelo Lana Ilaaliyo goobaha Dalxiiska Degmada Madaama Degmadu ka Mid Tahay Meelaha Dalxiiska ee Somaliland, taaso oo Ay Ilaalinkarto Dawladda iyo Bulshaduba
  • Waxyaabaha Daruuriga ee Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Hoosta Degmadu u Baahan Yihiin In Waxlaga Qabto
  1. In Tuulo/Magaalo Kasta Loo Sameeyo,loona Dhiso Dugsi Waxbarasho, Macalimiin Tayo leh, Kuwaaso Cidhibta Dhibaatada jahliga Aqoon La’aaneed Ku Habsaday Bulshada Degaanka, taaso Ay Ka Bad-baadeen Oo Keliya Qoysaska Caruurtooda U Dira, Magaalooyinka Kale Somaliland, Kuna Kaliftay Inay Kharash Culus Oo Aanay Awoodi Karin ku Bixiyaan, Madaama Aanay Degaankooda iyo Kuwa U Dhaw Waxbarasho Laga Heli, Waxaana Fiican haddi Alle Yidhaahdo Tuulooyinka Marka Laga Yimaado in Degaanka Degsiimada Lagu Yahay Goobaha Ku Haboon Laga Yagleelo Dugsiyo Waxbarasho Aqoonta Maadiga Ah iyo Shareecada Islaamka
  2. In loo Saameeyo Tuulo Kasta Goob Caafimaad (Health Post, Dhakhaatiir Caafimaad iyo Qalabkooda Caafimaad, Kuwaaso Daryeela Gar-gaarka Caafimaad Ee fudud intii Suurtogal Ah
  3. In Bulshada Laga Wacyi Geliyo Dhibaatooyinka Aafaadka Ku Noqday, Ee Ay Sababaan Qaadka, Qabyaalada iyo In Lagu Dhiiri-geliyo Waxsoo Saarkooda Degaankooda

FG. AFOOYINKA IYO CAQABADAHA RAGAADIYEY  HORUSOCODKA IYO DHAQAALAHA DEGMADA

Degaanka Degmada Gudmo Biyo Cas Waxaa Ragaadiyey Aafooyin Fara Badan Oo Bulshada Ka Hortaagan Inay Wax Qabsadaan, kuwaaso Hoos U Dhigay Dhaqaalaha Degmada, Waxaana Ka Mid Ah Aafooyinkaas:

  • QAADKA, (Waa Dhibaatada Guud Ahaan Haysata Dalka Somaliland, Wuxuuna Si Gaara Degaankan Qabad Ugu Noqday Inuu Ka joojiyey Inay Beerahooda Beertaan, Iyo Inay beeyadooda Si Fiican u Gurtaan, Wuxuuna Kala Dagaalamay Dhaqaalihi Yaraa Ee Beeyada Oo Siisanayaan Qaad, Waxaana Dhaqaalihi Beeyada iyo Beeruhuba U Gudbayaan Jeebka Shirkadaha Qaadka, :
  • JAHLIGA (Jahliha Aqoon La’aanta Bulshada Oo Ay Abuurayso Madaama Ay Xaga Waxbarasha Ka Liidato degmadu Bulshadaasi Waxay u Badan Tahay Dad Cilmigu Ku Yar-yahay
  • QABYAALADA:- ( Waxaa Degaanka bulshada Ragaadiyey Qabyaalad iyo Is-Faquuq Uu Ka dhex Abuuray Siyaasi Danayste Ah,

Aafooyin Kale Oo Badan Kuwaaso Dhamaantood u Baahantahay Bulshadu in Laga Cidhibtiro

Tixraac

  1. Waraysi, Shaqaalaha Caafimaadka Degmada Septembar  18, 2016;
  2. Kulan – (Focused Group Discussion), dadka deegaanka, Septembar 18-19, 2010; Gudmo biyo cas iyo Degaano Kale
  3. Waraysi, Maamulayaasha Dugsiga ka Hoose/dhexe ee Gudmo biyo cas iyo Macalimiinta, Septembar 22, 2016;
  4. Waraysi, Maamulaha Dugsiga Daryale  actober, 2016;
  5. Waraysi, Duqayda iyo macalimiinta Tuulooyinka Degmada actobar 18, 2016; Gudmo Biyo Cas
  6. Waraysi, Maamulaha Dugsiga Uur-weyn, Septembar  19, 2010; Sincarro
  7. Xog-ogaalka Dhalinyaro Ka Mid Ah Kooxdan dedaal, ka Warbixiyey Ka War-hayntooda Degaanada Hoosta Degmada

COMMENTS